Iska-hor-imaad ka dhacay agagaarka Buuhoodle

Wararka ka imanaya deegaanka Buuhoodle ayaa sheegaya in xalay ay halkaasi ka dhacday is rasaaseyn xoog badan oo u dhaxasay ciidanka Somaliland iyo kooxo hubaysan oo u daacad ah maamulka Khaatumo ee Cali Khaliif Galaydh. Weli lama soo calaamadin cid wax ku noqotay iska-hor-imaadkaas.

Mid ka mid aha taliyeyaasha ciidanka Soomaliland oo khadka telefoona noogu warramay ayaa sheegay in ciidankooda oo deggan meel Buuhoodle u jirta 54 km xalay lagu soo weeraray rasaatuna socotay muddo 45 daqiiqo ah cid iyaga wax kaga noqotayna aanay jirin dhinaca kalena aanu ka war hayn waxa soo gaadhay.

Sarkaalkaas oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto waxa uu sheegay in aanay jeclayn in uu iska-hor-imaadku sii socdo ayna jecel yihiin wax walba wada-hadal lagu dhammeeyo.

Waxaa xusud mudan wali in ay magaalada Buuhoodle ku wada sugan yihiin laba wefdi oo soo kala horjeeda. Lama sheegin wali in ay kulmeen iyo in kale.

Bandhige.com