Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha Ee Togdheer Iyo Masuuliyiin Kale Oo Kormeeray Deegaano Laga Fuliyey Mashaariic Muhiim Ah.

Burco (WHB) – Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Togdheer Cabdirisaaq Cabdillaahi Ibraahim, ayaa soo kormeeray Mashruuca RBA oo Hay’adda FAO ka wadday 9 tuulo oo hoos yimaadda gobolka Togdheer, kuwaasi oo la soo gebogabeeyay.

Kormeerkan waxa Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ku wehelinayey Isku-duweyaasha Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha ee Gobolka Togdheer Sayid-Cali iyo Isku-duwaha Wasaaradda deegaanka Siciid Haybe, waxayna soo kormeereen deegaannada Mashruucan laga fuliyey ee ka faa’idaystay.

Mashruucan waxyaabaha uu qabtay waxaa ugu waawayn Dhaamam laga dhisay, horumarinta beeraha, sida tababaro la xidhiidha Beeraha (Home garden), beer suuqeed (Market garden) iyo dugsi beereed (Farmers field school), calafka xoolaha, qalabka beeraha, iyo Mishiino loogu talo galay calafka xoolaha, dhaamam ku qalabaysan Dabka Cadceedda laga dhaliyo, kuwa biyaha soo tuura iyo Caagga la dhigo dhaamamka.

Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Togdheer Cabdirisaaq Cabdillaahi oo bilowgii Mashruucan seeska u dhigay, lana socday intii uu socday, ayaa sheegay inay ku baxday Lacag Malaayiin dollar ah, looguna Talo-galay in dadka deegaannada laga fuliyey ka faa’idaystaan.

Tuulooyinka Mashruucan Hay’adda FAO ka fulisay ee Isku-duwayaashu kormeerka ku soo sameeyeen waxay kala yihiin Nasiye, Bisiqa, Harada, Warcimraan, Kalbare, Boodhley, Booraamo iyo Dindiinta.

Kormeerkan ayaa isuduwayaasha wasaaradaha, beeraha, xoolaha iyo deegaanku ku qiimeeyeen Waxtarkii iyo sida loo sii horumarin lahaa mashaariicaha dhamaaday ee Hay’adda FAOka wadday gobolka Togdheer iyo sidii qaar cusub looga bilaabi lahaa gobolka.

Xigasho:SLNTV

Bandhige@gmail.com