Israa’iil oo duqaysay bartilmaameedyo Qasa ku yaalla

Xukuumadda Israa’iil ayaa xaqiijisay in ay garaacday bartil-maameedyo Qasa ku yaalla, kuwaas oo ay ku tilmaameen in ay ahaayeen meelo ay Xamaas ku kaydsadaan hubka iyo goobo ay ku tabobartaa. Sidoo kale waxay sheegeen in goob ka mid ahi ahayd meelaha hubka lagu sameeyo.

Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiiniyiina ayaa xaqiijisay in ay soo gaadheen maydadka laba qof oo midkood yahay 27 jir ka kalena yahay 30 jir.

Falastiiniyiinta ayaa kaga jawaabay gantaallo ay ku ganeen dhulka Yuhuuddu degto, kuwaas oo aan la soo sheegin in ay wax dhibaato ah gaysteen.

Rabshadahan ayaa ku soo beegmaya maalmo uun kadib markii Madaxweynaha Maraykanku Quddus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil.

Bandhige@gmail.com