Israa’iil OO Sheegtay in ay Heleen Maydadka Lix Qof oo Yuhuuda

Israa’iil ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay soo saareen maydadka lix qof oo ay Xamaas ku haysteen marinka Qaza. War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa lagu sheegay in meydadka oo la helay Sabtidii ay ku jireen god dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla deegaanka Rafah.

IDF ayaa magacyadooda ku sheegtay Karmel Gat, Eden Yerushalmi, Hersh Goldberg-Polin, Alexander Lobanov, Almog Sarusi iyo Master Sgt Ori Danino.

Af hayeenka ciidamada Isreal Rear Adm Daniel Hagari ayaa sheegay in wararka horu dhaca ahi sheegayaan in Xamaas si xun u dileen wax yar ka hor intaanan gaadhin halka lagu hayey”.

Ka dib dhimashadii Mr Goldberg-Polin – oo ahaa muwaadin Maraykan ah – ayaa la xaqiijiyay, madaxweynaha Maraykanka Joe Biden wuxuu sheegay “in uu aad uga xun yahay” warkaas.

Koox matalaysa qoysaska dadka lagu haysto Qaza ayaa ka dalbaday ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu “in uu la hadlo qaranka oo uu qaato mas’uuliyadda la haystayaasha ee uu dayacay”.

Golaha Qoysaska la haysto ayaa sheegay in dhammaan lixda maxbuus ahaan la dilay “maalmihii la soo dhaafay, ka dib markii ay ka badbaadeen ku dhawaad ​​11 bilood oo tacaddi, jirdil, iyo gaajo ah oo ay haysteen Xamaas”.

“Dib u dhac ku yimid saxeexa heshiiska ayaa keenay in la dilo iyaga iyo kuwa kale oo badan oo la haystayaal ah,” ayay hadalkooda ku dareen.

Kooxda ayaa sidoo kale ku dhawaaqday qorshe ay ku joojinayso qaranka Axadda, iyaga oo waydiisanaya dadweynaha Israel inay ku biiraan mudaaharaadyada ka socda Jerusalem, Tel Aviv iyo meelo kale oo Israa’iil ah si ay ugu baaqaan heshiis beddelasho ah.

Warbixin ay soo saartay subaxnimadii Axaddii ee lagu shaacinayay dhimashada, IDF waxay ku sheegtay in meydadka ” lagu celiyay dhulka Israa’iil “.

“Dhammaantood waxaa la qafaashay 7 Oktoobar [2023] waxaana lagu dilay ururka Xamaas ee Marinka Gaza.”

Warku wuxuu intaa ku daray in qoysaskooda mar hore la ogeysiiyay. Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa sheegay in “wadnaha ummad dhan uu ka go’ay warkii” dilkooda.

Milatariga Israa’iil ayaa Qaza ka bilaabay olole ay ku burburinayaan Xamaas iyaga oo ka jawaabaya weerarkii aan hore loo arag ee koonfurta Israa’iil 7-dii October, kaas oo lagu dilay ilaa 1,200 oo qof, 251 kalena lagu qafaashay.

In ka badan 40,530 qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ee dhulkaas.

Dhexdhexaadiyeyaasha Mareykanka, Masar iyo Qatar ayaa isku dayaya inay heshiis xabad joojin ah sameeyaan, taas oo Xamaas ku sii dayn lahayd 97 la haystayaal weli la haysto, oo ay ku jiraan ugu yaraan 27 kuwaas oo loo malaynayo inay dhinteen, si loogu beddelo maxaabiis falastiiniyiin ah oo ku jira jeelasha Israa’iil.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com