Israa’iil waxay weerar gantaalo ah la beegsatay maddaarka Dimishiq

Xukuumadda Suuriya ayaa tibaaxday in ay ciidamadeedu ku guulaystaan in ay dhiciseeyaan gantaallo ay Israa’iil ku soo gantay maddaarka caalamiga ah ee Dimishiq, kadib markii gantaallahaas laga hor geeyey kuwa difaaca ah goor dambe oo sabtidii ah.

Weriyaha Wakaaladda Wararka ee AFP u fadhiya Dimishiq ayaa tibaaxay in uu wakhtigaas maqlay qarax weyn iyo qaraxyo yaryar oo ka dambeeyey.

Xukuumadda Israa’iil weli wax war ah kama ay soo saarin dhacdadan. Hase ahaatee hore ayay Israa’iil u sheegtay in ay gantaallo ku beegsatay 200 oo goobood oo lagu tuhumayey Iiraan.

Sidoo kale waxay Israa’iil hore u sheegtay in aanay u dul qaadan doonin in ay Iiraan saldhigyo ku yeelato jaarkeeda Suuriya.

Iiraan waxay taageero dhinaca dhaqaalaha iyo milatariga ahba siisaa nidaamka ka dhisan Suuriya ee uu gadhwadeenka ka yahay Bashaar Al-Asad.

Bandhige@gmail.com