Safiirka Israa’iil u fadhiya magaalada London ayaa raali gelin bixiyay kadib markii laga duubay mid ka mid ah howlwadeenadiisa oo leh waxaan jeclaan lahaa inaan meesha ka saaro ama sumcadda ka dilo qaar ka mid ah xildhibaanada Ingiriiska, oo uu ka mid yahay Alan Duncan oo ah wasiir haya xil arrimo dibeddeed.
Muuqaalkan oo uu duubay taleefishinka Al-Jazeera ayaa siyaasigan la yidhaahdaa Shai Masot, waxa uu sheegay in Alan Duncan uu sababay dhibaatooyin badan.
Waxa sidoo kale uu ku tilmaamay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Ingiriisa Boris Johnson uu yahay qof doqon ah.
Siyaasigan Alan Duncan ayaa aad u dhaliila siyaasadda Israa’iil, isagoona taageera qadiyadda Falastiin.
Crispin Blunt, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Barlamaanka Ingiriiskka u qaabilsan arrimaha dibedda ayaa talaabadani ku tilmaamay mid ceeb ah, una baahan in baadhitaan dheeraad ah lagu sameeyo.
Safiirka Israa’iil u fadhiya Ingiriiska Mark Regev, waxa uu sheegay in hadalkaasi aannu aheyn mid ka turjumaya aragtida dawladda Israa’iil.
Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in hadalkan uu ka soo yeedhhay qof aan sidaasi u khibrad badneyn, oo aan xitaa ka tirsaneyn diblomaasiyiinta Israa’iil, waxaana uu intaa ku daray in halkaasi ay ku egtahay howlihii shaqo ee uu ninkaasi u hayay safaaradda.