Israa’iil waxay xayiraaddii ku-mee-gaadh uga qaadday maxbuuskii Falastiiniga ahaa cuntada ka soomay

Maxkamadda Sare ee Israa’iil ayaa cawaysinkii xalay shaacisay in ay si ku-meel-gaadh ah xayiraaddii uga qaadday Maxamed Callaan oo ah maxbuus Falastiini ah oo cuntada ka soomanaa 65.

Maxamed Callaan wuxu in muddo ah ku jiray ilaa haddana lagu dawaynayaa cusbitaalka, waxana laga shakisan yahay in uu maskaxdiisa dhaawac soo gaadhay kadib markii ogsijiintu gaadhi wayday intii uu cunto-diidka ahaa.

Maxkamaddu waxay Callaan ka dul qaaday askartii ilaalalada ahayd, waxayna ogolaatay in qoyskiisu ay booqan karaan.

Afhayeen u hadlay Maxkamadda Sare ayaa sheegay in haddii caafimaadka Callaan soo noqon waayo ay maxkamaddu su rasmi ah xadhigiisa u baahiin doono sidaana uu xor ku ahaan doono haddii uu doono haba xanuunsanaadee.

Dhakhaatiirta dawaynaysa Callaan weli ma ay caddayn in dhaawaca gaadhay maxkaxda Callaan uu yahay mid wax laga qaban karo iyo in uu yahay mid barman ah.

Maxamed Callaan markii la xidhayey waxa lagu eedeeyey in uu ka tirsan yahay kooxda “Islaamic Jihaad”, eedayntaas oo uu diiday markii maxkamad la saari waayey isla markaana la sii daayn waayeyna wuxu go’aansaday in uu cuntada joojiyo.

Callaan arrinkiisu wuxu buuq ka dhex abuuray xukuumadda Israa’iil iyo dhakhaatiirta Yuhuudda ah. Xukuumaddu waxay dalbaday in khasab cuntada lagu siiyo maadaama sharci cusub oo Israa’iil dhawaan samaysay uu sidaas dhigayo, laakiin dhakhaatiirta Yuhuudda ayaa ganafka ku dhuftay sheegayna in arrinkani noqonayo mid ka baxsan akhlaaqiyaadka daawaynta.

Koox u doodda maxaabiista Falastiiniyiinta ayaa sheegtay sii daynta ku-meel-gaadhka ah ee Maxamed Callaan in ay tahay munaafaqnimo isla markaana lagaga hor tagayo in si rasmi ah xoriyaddiisa loogu soo celiyo.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com