Istaadiyamka Hargeysa waxa lagu goglay roog cagaaran

Maanta laga bilaabo ciyaartoygii ku ciyaari jiray garoonka ugu weyn Somaliland ee loo yaqaan Hargeysa Stadium waa ay ka raysan doonaan cawlaankii iyo boodhkii, waxayna ku naaloon doonaan roog cagaaran oo sidii doogga ah kaas oo heerka ciyaartooda kor u qaadi doona indhahooguna ku doogsan doonaan.

Sida ay faafisay Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanku, masuuliyiinta Wasaaradda oo uu hor kacayo Wasiir Axmed Cabdi Kaahin ayaa kormeer ku tagay garoonka kubadda cagta ee Hargeisa Stadium, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay hawl shaqo oo lagu dhigayo doogga macmalka ahi ay ka socotay.

Kormeerka waxa wasiirka ku wehelinayey Wasiir-Xigeenka Yuusuf Cismaan Garas, Agaasimaha Guud Maxamed Xuseen Axmed “Dhabbeeye” iyo guud ahaanba agaasime-waaxeedyada wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha.

Ugu horrayn waxa hadal kooban jeediyey war-bixin guudna ka siiyey masuuliyiinta hawsha shaqo ee ka socota garoonka Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil, wuxuna xusay in ay hawshii goglidda rogga cagaarani ay gebogebo tahay qorasheeyeena in salaadda Ciidda lagu tukado haddii Alle idmo.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Maxamed Cabdi Xuseen oo ah Ingineerka shirkadda dhisaysa ee Haboon Construction Company, waxaana uu ka war-bixiyey halka ay hawsha shaqo u marayso iyo xilliga ay rajaynayaan inay dhamaystiraan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Xuseen “Dhabbeeye” wuxu yidhi:

“Waa guul weyn  in Istaadiyamkii Hargeysa hadda laga bilaabo uu la mid noqon doono garoomada dunida laga ciyaaro”

Agaasime Dhabbeeye wuxu mahanaq u diray Madaxweyne Siilaanyo oo Wasaaradda ka saaciday hirgelinta hindisahan.

Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Yuusuf Cismaan Garas wuxu hoosta ka xariiqay in xukuumaddu ay dedaal ugu jirto in wixii taagteeda ah ay garab istaagto dhallinyarta si meesha looga saaro caqabadaha hortaagan sidoo kalena laga hor-istaago tahriibta isla markaana laga mashquuliyo balwadaha.

Ugu dambeyn, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahin ayaa tilmaamay inay tahay wax lagu faano in xukuumaddu ku guuleysatay una badheedhay inay Hargeisa Stadium ay dhigto doogga macmalka ee garoomada kubadda cagta. Xukuumadda ka sokow, wuxu Wasiirku carrabaabay in loo baahan yahay in shariikadaha Somaliland oo horena gacan uga gaystay arrimaha dhallinyarada ay hindisahanna ka qayb-qaataan.

Bandhige@gmail.com