Isu duwaha wasaaradda dhallinyaradda iyo Ciyaaraha ee gobolka Maroodijeex Cabdiraxmaan Jaamac Rooble (Shiine), ayaa ka warbixiyey habsami u socodka tartanka kubadda cagta ee shaqaalaha dawladda oo waqtigan ka socda caasimadda Hargeysa.
Isu-duwe Cabdiraxmaan oo si gaar ah ugu waramaayey wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA ayaa sheegay in tartankan kubada cagta ee shaqaalaha dawladda ay wareegga labaad usoo gudbeen 16 kooxood oo ka kala socda wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda.
Tartankan kubada cagta ee dhexmaraaya kooxaha ka kala socda wasaaraddaha iyo Hay’adda dawladda Somaliland ayuu sheegay isu duwuhu in uu yahay mid ay isku dhex gelayaan, iskuna baranayaan shaqaalaha kala socda wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda ee kala duwani.
Isu-duwaha wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha ee gobolka Maroodijeex Cabdiraxmaan Jaamac Rooble (Shiine) waxa kale oo uu cadeeyey in tartankani faa’iido weyn ugu fadhiyo shaqaalaha dawladda Somaliland, madaama oo ay tahay markii ugu horeysay ee dalka laga qabto, waxaanu tilmaamay in ay iska kaashadeen tartankan hay’adda shaqaalaha dawladda iyo wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland.
Isku duwaha ayaa ballan-qaaday in sannadka dambena ay qabsoomi doonaan ciyaarahan kuwo lamid ah oo dhex mari doona wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda Somaliland.