Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka Gobolka Gabiley oo xilkii la wareegay

Isku Duwihii hore Caafimaadka Gobolka Gabiley Ciise Sheikh Maxmuud ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyey isuduwaha Cusub ee dhawaan loo soo magacaabay Gobolka Gabiley. Waxa xafladan ka soo qayb galay Wasiir-xigeenka wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska, Badhasaab-xigeenka Gobolka Gabiley, Mayaar-xigeenka  Gabiley, xildhibaano iyo Laamaha Caafimaadka.

Ugu horeyn waxa xaflada xil wareejinta ka hadlay Isuduwihii hore ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay bedaalda xilka laga bedalay, isla markaana waxa uu sheegay in uu soo dhaweynay masuulkan cusub lana shaqayn doona aqoonta uu u leeyahay gobolkan iyo waayo aragnimadiisi caafimaadba.

Wax kale uu isuduwuhu sheegay in halkan ay taallo hawl badan oo u baahan in wax laga qabto hawshaasina ay sugayso isuduwaha cusub, waxa kale oo intaa ku daray in xilkaa uu qaaday Ilaahay ku asturo oo uu noqdo mid gobolkan iyo dhamaan bahda caafimaadku u aayaan, taariikh fiicana gobolkan ku yeesha.

Gebogabadii waxa ka hadlay Isuduwaha cusub Dr. Jimacaale Daahir Cumar ayaa sheegay in shaqada meesha taalla in uu wax badan ka qaban doono isla markaana uu u diyaar yahay wax ka qabshada xaalada caafimaad ee ka jirta Gobolka.

Waxa kale oo hadalkiisa ku daray in xilkan loo magaacbay uu isagu ku xusan yahay, laakiin dhammaan bahda caafimaadka Gobolka Gabiley xilkan la hayaan wax badana kala qabtaan hawshan Gobolka taala.

Gobobka Gabiley ayaa baahi wayn looga dhakhaatiir cusub oo ka hawl gasha goobaha caafimaadka.

Dadweynaha Gobolka Gabiley ayaa u riyaaqay masuulkan cusub ee loo soo magacaabay oo wax qabad la taaban karo u balan qaaday.

bandhige@gmail.com