Italy: Midowga Yurub oo shir deg-deg ah ka yeelanaya musiibada qaxootiga heshay iyo Tahriibta

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa Isniinta isugu imaanaya shir deg-deg ah oo ay ka yeelanayaan qaxootiga sida ayaxa ugu dhimanaya badda Mediterranean.

 In ka badan 700 oo qof ayaa la aaminsan yahay in ay baddu liqdey, kadib markii doonidii ay la socdeen ay ku degtey badda u dhexeysa Libya iyo Jaziirada Lampedusa habeenimadii Axadda. Waxaa lagu tilmaamey mid kamid ah musiibioyinkii ugu xumaa ee ka dhaca halkaas. Todobaadkii u danbeeyey keliya waxaa badda Mediterranean ku geeriyoodey qaxooti ka badan 1100 oo qof. Dadkan ayaa doonaya in ay nolol cusub ka bilaabaan qaaradda Yurub!.

Raysalwasaaraha dalka Talyaaniga Matteo Renzi ayaa xiriir la sameeyey qaar kamid ah hoggaamiyaasha Midowga Yurub, waxaana uu ka codsadey in kulan deg-deg ah la isugu yimaado, si loo wajaho qaxootiga musiibadu ku habsatey loona baajin lahaa in naf kale ay baddu gawracdo.

Renzi ayaa is weydiiyey “Sidee adduunku ku oggolaan karaa gawracaan iska socda ee ka dhacaaya badMediterraneanda , inaga oo awoodna in aan ka hortagno marka la eego Tiknoolajiyadda iyo xiriirka aan haysano ee aan wax ku waardiyeyn karno?”
Shir saxaafadeed uu ku qabtey Roma Axaddii ayuu ku sheegay in dalka Talyaaniga oo keliya aanu xal keeni karin, in aaanu badbaadino qxootiga badda isku soo haligey, haddana aan ka hortagaan tahriibta iyo kuwa ka shaqeynaaya, ayuu yiri Mr Renzi.

Baaderiga ugu sareeya diinta Kirishtaanka Pope Francis ayaa maalintii Axadda Caalamka ka codsadey in loo dhaqaaqo sidii wax loga qaban lahaa Musiibada ka socota Mediterranean isa markaana gacan loo siin lahaa Talyaaniga.

Doontii ka soo baxdey xeebaha Libya isla markaana ku degtey isla biyaha Liibiya habeenimadii Axadda ayaa ilaa hadda laga soo badbaadiyey 50 qof, waxaana saarnaa dad ku dhaw 700 oo qof. Ilaa hadda waxaa la heley meydka 24 qof oo keliya. Dadka saarnaa ayaa ahaa Afrikaan, waxaana la aaminsan yahay in Soomaali badan saarneyd.

Wakiilka Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub habweeneyda la yiraahdo Federica Mogherini iyo Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay maalintii Axadda in Midowga Yurub laga doonaayo xal deg-deg ah in ay ka gaaraan qaxootiga musiibadu ku heshey badda guudkeeda isla markaana laga hortago dhamaan tahriibta oo dhan, si loo yareeyo dhimashada murugada badan ee dhacdey.