Itoobiya iyo Ereteriya ayaa berito heshiis kama dambays ah ku kala saxeexanaya Sucuudiga, waxa goob joog ahaanaya Xoghayaha Qaramada Midoobay iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika

Berito waxa si rasmi ah heshiis u kala saxeexanaya Itoobiya iyo Ereteriya. Munaasibad si heer sare ah loo agaasimay ayaa lagu qaban-doonaa magaalada Jidda ee ku taalla xeebta Badda Cas.

Heshiiskan oo noqonayaa kii kama dambaysta ahaa isla markaana rasmiga ahaa labadan dawladood ku soo afjarayeen colaaddii u dhaxaysay waxa goobjoog ka ahaan doona Antonio Guterres, Guddoomiyaha Midowga Afrika Muuse Faki Maxamed iyo Boqorka Sucuudiga Salman Bin Sacuud.

Itoobiya iyo Ereteriya wuxu dagaal ba’ani dhex maray 20 sanno ka hor muran dhinaca xuduuda ah. Sannadkii 2002 ayaa guddi ka socota Qaramada Midoobay ay calaamadiyeen halka ay xuduuddu noqonayso. Haseyeeshee waxa ku gacan saydhay Itoobiya.

Muddadaa wixii ka dambeeyey labada dal gebi ahaanba waa ay kala xidhnaayeen. Haseyeeshee dhinaca diblomaasiyadda waxa gacan sarraysay Itoobiya iyadoo Ereteriya la go’doomiyey isla markaana lagu soo rogay cumoqabatayn dhinaca hubka ah.

Hase ahaatee Aabiy Axmed Cali markii uu Ra’iisal-Wasaaraha ka noqday Itoobiya wuxu aqbalay go’aankii Guddida Calaamadaynta Dhulka, kadibna labada dal waxay ku dhawaaqeen in ay heshiis diyaar u yihiin.

Waxa intaas xigtay booqashooyin ay bilihii ugu dambeeyey is weydaarsadeen iyadoo la furay labadii safaaradood ee ay ku kala lahaayeen Addis Ababa iyo Asmara sidoo kalena la furay xadkii labada dhinac u dhaxeeyey isla markaana ay Itoobiya bilawday isticmaalga adeegsiga dekedda Musawac.

Heshiiskan waxa la filayaa arrimaha haddaba bilaabmay in uu ka dhigo mid rasmi ah oo ku qotoma sharciga caalamiga ah ee dunida iyadoo goobjoogeyaashuna yihiin kuwo heer calami ah.

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah

Bandhige@gmail.com