Itoobiya oo tabriibayaal ku wareejisay Somaliland

Laanta socdaalka Federaalka Itoobiya ayaa ku soo wareejisay dad tahriibayaal ahaa oo dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya, ka dib markii laga soo qab qabtay xuduuda u dhaxaysa Itoobiya iyo Suudaan.

Tahriibayaashan oo tiradoodu dhamayd 58 tahriibe oo u badan rag, ayaa lagula kala wareegay magaaladda Wajaale.

Taliyaha laanta socdaalka Gobolka Gabiley Cabdirashiid Axmed Xasan ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in tahriibayaashan u dhashay Somaliland iyo Soomaaliya laga soo qabtay xuduudka u dhexeeya labbada dal ee Suudaan iyo Itoobiya, sidoo kalena waxa uu faahfaahin ka bixiyey tirada ay ka kooban yihiin dadka u dhashay Somaliland iyo kuwa ka soo jeeda Soomaaliya, Taliyaha oo arintaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi:

“Runtii Shalay waad u jeedaan inay nagu soo wareejiyeen saraakiisha laanta socdaalka Itoobiya dadkan tahriibayaasha ah, oo ka kooban dad u dhashay Somaliland iyo Soomaaliya, dhamaantood tahriibayasha tiradooda guud waxa weeyi 58 tahriibe, halka ay 33 ka mid ahi u dhasheen Somaliland, 25 kamid ahina ay ka soo jeedaan koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo hadda laga soo qaaday Adisababa. Xaqiiqdii Dalka Itoobiya waxaa naga dhaxaysa wada shaqayn balaadhan, sababtoo ah anaguba mar kasta waxaanu u gudbinaa tahriibayaal u dhashay Itoobiya, waanan ku hambalyeynayaa sida ay noo soo gaadhsiiyeen,insha alah anakuna waxaanu u gudbinaynaa dhamaantood xafiiska waaxda socdaalka Hargeysa.”

Taliyaha laanta socdaalka Gabiley oo ay warbaahintu wax ka waydiisay siyaabaha ay u la tacaalaan tahriibayaasha ayaa waxa uu ku jawaabay sidan:

“Sidaan horeba u soo sheegay tahriibayashan waxaan u gudbin doonaa Taliska socdaalka Hargeysa, halkaas oo lagu diiwaan galin doono, farona lagaga qaadi doono. Baryahan dambe waxay u muuqataa inay soo badanayso dhalinyaradii tahriibaysay, laakiin anagu Talis ahaa waxaanu ula tacaalnaa tahriibayaasha si waafaqsan qawaaniinta, kuwaas oo si joogto ah u socda oo aan joogsan, hase ahaateen shaqadayada ayaa u badan in aanu hor joogsano dhallinyaradaasi tahriibaysa, inkasta oo aanu ka walaacsanahay.”

Sidoo kale waxa sheegay sababaha kor u qaaday kor u kaca tirada tahriibayaasha waxaanu yidhi:

“Sababta tiradu tahriibayaasha korodhay waxay weeyi ma jiraan wax xeerar ama shuruuc ah oo u yaala ama loo dhigay oo lagula dagaalamo tahriibayaasha, iyo xeer lagu xakameeyotoona, laakiin anigu waax ahaan marka aanu soo qabano waxaanu u gudbinaa saldhigyada Ciidanka Booliska, Saldhiguna sidiisaba waxa uu qofka hayn karaa 48 saacadood intaa wixii ka badana waa inay maxkamadi soo xalaalaysaa inuu sii xidhnaado.”

Sidoo kale waxa uu Taliye Cabdirashiid ka codsaday Guddiga la dagaalanka tabriibayaasha iyo Gollaha sharci-dejinta, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaan ka codsanayaa Guddiga la dagaalanka tahriibayaasha iyo Gollaha sharci dejinta inay si dhakhso ah usoo saaraan sharci qabanaya oo lagula dagaalamo mukhalasiinta dadka halaagaya.”

Laanta sodaanka Somaliland ee Tog-wajaale ee fadhigeedu yahay Gobolka Gabiley ayaa baryahan dambe qaaday olole ay ku xoojinayso la dagaalanka tahriibayaasha, hase ahaatee ay aad u yareeyeen dadka ka gudba xuduuda Tog-Wajaale sidoo kalena ay kaantarool adag laga saarey dhinaca Tuulada Gorayo-Cowl ee Gobolka Awdal.

bandhige@gmail.com