Itoobiya oo xidhey safaaradeheedii Masar iyo Ireland

Wararka ay baahiyeen maanta warbaahinta dawlada Itoobiya ayaa sheegey in albaabta loo laabey safaaradaha ay Itoobiya ku leedahay wadamada Masar iyo Ireland, arintan ayaa ka danbeysey ka dib markii ay qaadatey dawlada Itoobiya in ay soo xidho qaar ka mid ah safaaradaha ay dibada ku leedahay, taasi oo lagu macneeyey tashiil dhaqaale.

waxa uu sheegey safiirka Itoobiya u fadhiya Masar Markos Tekle in safaarada la xidhi doono laaga bilaabo bisha Oktoobar ee inagu soo beegan, mudo sadex bilood ahna ay si ku meel gaadh ah u xidhnaan doonto.

Safiirku waxa uu hadalkiisa intaas ku darey in aaney arintani shaqo ku lahayn  khilaafka ka dhexeeya Itoobiya iyo Masar ee ku saabsan biyo xidheenka Abay.

Dhinaca kale waxa ay bilaabeen ismaamulada Itoobiya qaar ka mid ah in ay soo dhisaan maamuladooda ka dib doorashadii dhawr jeer dib loo dhigey ee ka dhacdey wadankaas bishii Juune ee sanadkan, waxaana ilaa hada maamuladoodii soo dhisey Ismaamulka Oromiya oo dib u doortey Shamal Cabdiisa, afhayeenka baarlamaanka waxaa loo doortey gabadh la yidhaahdo Sacaada Cabdiraxmaan.

waxaa sidoo kale maanta la doortey ismaamulka Caasimada Addis ababa kaasi oo loo doortey Adanech Abiebie oo xubin ka ah golaha deegaanka Caasimada, sidoo kale waxaa markii u horeysey loo doortey ku xigeenka af hayeenka baarlamaanka caasimada Faa,isa Maxamed oo ka soo jeeda qowmiyada Soomaalida.