Dawladda Itoobiya, ayaa waxa daboolka ka qaaday qawaaniin cusub oo ay qayb ka ah xaaladda degdegga ee lagu dhawaaqay toddobaadkii tagay kadib bilo dibadbaxyo rabshado watay.
Diblomaasiyiinta ayaan loo ogolaan in ay Addis Ababa wax ka badan afartan kilomitir safar ah uga baxaan, waxaana lagu soo rogay bandow warshadaha, beeraha iyo hey’adaha dawladda.
Hubka iyo walxaha qaraxa keena ayaa laga mamnuucay meelaha xuduudaha iyo wadooyinka waa weyn oo la sheegay in ay yihiin aagagga cas.
Sidoo kale waxa mamnuucay in bulshada samayso waxa xidhiidh ah oo ku salaysan dibed-baxyada.
Boqolaal ayaa ku dhimatay dibadbaxyada labada qowmiyadood ee Itoobiya ugu badan oo sheegay in ay tirsanayaan cadaalad darro dhinaca saami qaybsiga.