Itoobiya waxay sii daysay suxifiyiin xidhnaa goor uu ku soo fool leeyahay Madaxweyne Obama

Xukuumadda Itoobiya waxay Arbacaddii oodda ka rogtay 5 ka mid ah mulkiileyaasha mareegaha wararka ee Itoobiya, ka dib markii Xeer Ilaaliyuhu ka khafiifiyey dacwadaha loo haystay, iyadoo wali ay xabsiga ku jiraan 4 kale.

Mukiileyaasha barahan ayey Itoobiya xidhay bishii Abril sannadkii hore ka dib markii ay sheegeen warar xukuumaddu jeclaysan wayday oo ay hore u daabaceen in ay mar kale ku daabici doonaan barta ay ku leeyihiin Facebook.

Dhinaca kale dawladda deedifaysay inay ku xidhay warkaas ay baahiyeen, laaliinse ku eedaysay inay xidhiidh la sameeyeen ururo argagixiso.

Ridwaan Xuseen oo ah Wasiirka Isgaadhsiinta ayaa sidoo kale ku dhalaaceeyey suxufiyiinta barahan la xidhay qora inaanay badankoodu ahay suxufiyiin laakiinse ah dadka u dhaq dhaqaaq xuquuqda aadamaha, sheegayna in haddii qof danbi galo la hore keenayo maxkamada.

Itoobiya ayaa ka jirta kaalinta 4 liiska qiimaynta ururka suxufiyiinta u dooda(CPJ) tobanka wadan ee suxufiyiinta lagu xidho ama ay waayaan xuquuqdooda xirfadeed.

Ururka suxufiyiinta u dooda(CPJ)  ayaa sidoo kale faalo aya ku soo bandhigeen jaamacada Toronto ayaa sheegay inay Itoobiya leedahay qalab ay ku dabo gasho suxufiyiinta Itoobiyaanka ee dunida jooga