Jaaliyadda Somaliland ee Washington DC waxay qado-sharaf ku maamuuseen Af-hayeenka Madaxtooyada

War-saxaafadeed goor dhawayd uu Bandhige soo gaadhsiiyey Xoghaya Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafadda Madaxtooyada Naasir Yuusuf Daahir “Naska”, Wakiilka Somaliland u fadhiya Maraykan Rashiid Gaaruf iyo Jaaliyadda Somaliland ee Washington DC waxay qado-sharaf u sameeyeen Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul.

Intii qadada lagu gudo-jiray waxa madasha hadallo  ka jeediyey odayaal ka tirsan Jaalliyadda Somaliland ee Washington.

Waxa isaguna madasha ka hadlay Wakiilka Somaliland Rashiid Gaaruf isaga oo ka mahadnaqay isku duubnida iyo wada-jirka ay mar walba jaaliyaddu la barbar taagan tahay madaxda dalka.

Axmed Saleebaan Dhuxul, Af-hayeenka Madaxweynaha, oo isaguna madasha ka hadlay ugu horayn wuxu u mahadnaqay Jaaliyadda Washington DC, isagoo si guudna uga mahadnaqay sidii loogu soo dhaweeyey dalka Maraykanka.

Af-hayeenku wuxu jaaliyadda warbixin ka siiyey xaaladda guud ee dalka isla markaana wuxu bogaadiyey doorka ay ku leeyihiin iyada oo beryahan dadku indhaha ku hayeen dhaqdhaqaaqa jaaliyadaha Maraykanka iyo Kanada oo la soo baxay dedaal iyo karti dheeri ah, wuxuna u sheegay in lala dhacsan yahay sida ay hawlaha u wadaan.

Af-hayeenku wuxu jaaliyadda kula dardaarmay inay ogsoonaadaan in dalku soo eegayo wax-qabadkooda.

“Doorka aad ku leedihiin dib-u-dhiska waddooyinka, caafimaadka iyo waxbarashadu runtii waa mid aad jaalliyad ahaan ku ammaanan tihiin” ayuu yidhi Af-hayeen Dhuxul.

Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland oo todobaaddadii u dambeeyey safar ku marayey Waqooyiga Ameerika wuxu marti-qaad ka helay Jaaliyadda Somaliland ee Kanada isaga oo kala qayb-galay xuskii 18-kii May.

Sidoo kale wuxu marti-qaadyo ka helay jaaliyadaha afar magaalo oo Maraykan ku yaal ayna ugu horeyso Washington DC.

Af-hayeen oo Maraykan ku sii sugnaan doona maalmaha soo socda waxa la filayaa inuu kulamo muhiim ah la yeesho odayaasha, aqoonyahanka, waxgaradka iyo muwaadiniinta ku dhaqan magaalooyinka lagu casuumay.

 

Bandhige@gmail.com