Jaamacadda ADMAS oo xustay maalinta ay u astaysay ardayda

Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo ay Qaramada Midoobay u asteysay 12ka Ogos oo dunida oo dhan lagu xuso, ayey sidoo kale Jaamacadda ADMAS u astaysay in ay noqoto Maalinta Ardayda Jaamacadda ADMAS.

Jaamacadda ayaa soo qaban qaabisay xaflad weyn oo lagu xusayey maalintan taas oo lagu qabtay xarunta Jaamacaddani ku leedahay Hargeysa.

ADMAS ayaa noqonaysa Jaamacaddii ugu horaysay ee samaysa maalin u gaar ah adayda wax ka barata.

Ugu horayn waxa ka hadlay xafladan Guddoomiyaha Jaamacadda ADMAS Ixsaan, hadalladiisiina waxa ka mid ahaa:

“Maanta waxa iska leh ardayda jaamacadda ADMAS. Waxaanu ugu talo-galnay in ay ardaydu yeeshaan maalin u gaar oo la yidhaa maanta iska dhiga bal wax barashadii oo xusa maalintiina. Waana tan aynu samaynayno maanta.”

Geesta kale waxa ka hadlay maamulaha kuliyadda dhaqaalaha Maxamed Guudle oo ahaa asaasayaashii maalinta ardayda ADMAS. Wuxu ardaydii kala duwanayd ee madasha ka soo xaadirtay u jeediyey hadallo kaftan iyo dhiirigelin iskugu jiray.

Xafladda oo u badnayd khudbado la jeediyey waxa aan ka madhnayn dood-cilmiyeed ay marti u ahaayeen masuuliyiin hore uga galin jebiyey ADMAS.

Gabogabadii waxa su’aalo lagu waydiiyey ardaydii ka soo qayb gashay xafladdan oo qofka jawaabta saxda ah bixiyana la guddoonsiinayey abaalmarin.

Xafladdan oo ahayd mid il-yartu is qabatay ayaa waxay ahayd maalin ay ardayda jaamacada ADMAS ardaydoodu is xuseen, mustabqalkana waxay noqon doontaa maalin ay ardayda Jaamacaddani ku soo bandhigaan aqoontooda iyo hibooyinkooda.

ad 8  ad 4 ad 2

bandhige@gmail.com