Jaamacadda Gaarisa oo maanta dib u bilowday waxbarashadii

Waxa sagaal bilood laga joogaa markii kooxda Al-Shabaab eek a jira guddaha Soomaaliya weerar ka gaysteen guddaha Jaamacadda Gaarisa halkaas oo ay ku dileen 150 qof oo iskugu jira shaqaale iyo arday.

Todobaadkii hore ayaa waxa la furay jaamacadda Gaarisa taas oo maamulka jaamacaddu u diyaarinayey ardayda in ay dib u bilaabaan waxbarashadoodii.

Waxa maanta si rasmiya jaamacadda Gaarisi u bilowday waxbarashadii ardayd taas oo ardaydu qaadayaan duruustoodii.

Iyadoo ammaanka jaamacadda aad loo adkeeyey, haddana waxa jirta cabsi weyn oo dhinaca ammaanka, taas oo laga baqo qabo in weerar kale lagu bartilmaameedsado jaamacadda.

Kooxda Al-shabaab ayaa weerar dhowr ah ka fulisay guddaha Kiiniya sannaddkii na dhaafay.

bandhige@gmail.com