Jaamacadda New Generation oo daah-furtay laybareeri leh qaamus Af-Soomaali ah

Jaamacadda New Generation qaybteeda Hargeysa ayaa shalay daahfur ku samaysay laybereerigeeda casriga ah kuna soo kordhisay casriyeyn iyo kor u qaadis, si ay ula jaan qaado laybereeriyada kale ee caalamka ka jira,iyada oo lagu soo kordhiyey qaamuuska casriga ah ee Af-Soomaali ah.

Laybareerigan oo loogu magac daray Alle ha u naxariistee madaxweynihii labaad ee Somaliland marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa waxa lagu sameeyey qalabay casri.

Laybareerigan oo markiisii hore aad loo qalabeeyey una dhamaystirnaayeen dhamaan agabka ka caawiya ardayda wax baranaysa, talaabadanina ay noqonaysaa mid wax ku ool ah oo ardayda ka caawin karta dhanka dhaqankooda iyo luuqadooda ay si wanaagsan waxa ugu bartaan.

Xafladan daahfurka ayaa wax aka soo qayb galay maamulka iyo ardayda Jaamacadda New Generation iyo suxufiyiin kale oo ka socotay wargeyska caalamiga ah ee loogu akhriska badan yahay dalka Talyaaniga ee lagu magcaabo Corriere Della Sera Newspaper, kaas oo maalintii soo saara in ka badan 480200 oo nuqul, laguna aas aasay Talyaaniga sanadku markuu ahaa 1876kii.

Ugu waxa war-bixin kooban ka bxiyey adeegyada laybareeriga Mustafe Sheekh Cabdiraxmaan, waxaanu sheegay inuu laybareerigoodani isticmaalo habka casriga ah ee laybareeriyada caalamku isticmaalaan ee xarfaha ah, isaga oo sheegay inay Jaamacadda New Generation ay tahay Jaamacada kaliya ee uu yaalo dalka qaamuuskii casriga ahaa ee Af-Soomaali ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in adeegyadan ay u sahleen oo ay u fududeeyeen ardayda dhigata jaamacadda New Generation iyo ardayda jaamacaddaha kale dhigataaba.

Ugu dambeyntii waxaa isna hadal kooban ka soo jeediyey Guddoomiyaha Jaamacadda New Generation Prof. Khaliil waxaanu sheegay in adeegyadan cusub ee Jaamacadda lagu soo kordhiyey ay wax weyn ka tari doonto baahiyaha ardayda dhigata Jaamacadda, isla markaana ay munaasib tahay inay ardaydu bartaan luuqadooda hooyo iyo dhaqankooda suuban taasi oo uu ku sifeeyey inay tahay talaabadani mid wax ku ool ah oo loo baahnaa.

Qaamuuska Af-Soomaaliga ayaa wax weyn ka tari doona inay ardaydu si sahlan ugu baadhaan kalmadaha luqada Ingiriistiga ah ee ay fahmi waayaan.

bandhige@gmail.com