Jabuuti oo ku biirtay waddamada xidhiidhka diblomaasiyadeed u jaray Eeraan

Jabuuti ayaa maanta waxay ku dhowaaqeen in ay gebi ahaanba xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jareen Eeraan ka dib markii dad gadoodsan oo ka cadhaysan dilkii waddaad shiico ahi ay gubeen safaaradda Sucuudigu ku laha Tehran.

Go’aankan ay dawladda Jabuuti xidhiidhka ugu jareen Eeraan ayaa waxa sidoo kale xaqiijiyey wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamuud Cali Yuusuf oo waraysi gaar ah siiyey Idaacada VOA qaybteeda Af-Soomaaliga ku hadasha.

Sucuudiga iyo Jabuuti ayaa waxa dhexeeya xidhiidh aad u qoto dheer, kaasi oo sababay in Jabuuti ku biirto waddamada Suudaan, Baxrayn, Kuwayt iyo Sucuudiga oo gebi ahaanba u jaray Eeraan xidhiiidhkii diblomaasiyadeed, halka Imaaraadka Carabtuna ay hoos u dhigeen xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Eeraan.

Iyadoo waddamada ku jira jaamacadda Carabtu la isku yeeshay shir aan caadi ahayn maalinta Axadda ayaa haddana waxa isa soo taraya waddamada xidhiidhka diblomaasiyadeed u jara waddanka Eeraan kuwaas oo u badan waddamada Suniga.

bandhige@gmail.com