Jamaal Cali Xuseen oo dalka ku soo laabtay, mawqifkiisa muddo-kordhintana ka hadlay

Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka “UCID” Jamaal Cali Xuseen ayaan maanta waddanka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu safar muddo dheer qaatay ugu maqnaa waddamo dibedda ah.

Jamaal waxa madaarka ku soo dhaweeyey xubno ka mida xisbiga iyo taageerayaashiisa.

Musharax Jamaal wuxu ka hadlay mowqifka isaga iyo xisbigiisu ay ka taagan yihiin muddo-kordhintii Golaha Guurtidu u sameeyey Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiillada. Hadalladiisiina waxa ka mid ahaa:

“Waxaanu doonaynaa in uu madaxweynuhu mar dadka soo hor joogsado oo kalmad ka yidhaah muddo-kordhinta. Waxan rabnaa in madaxweynuhu dadka soo dhex galo. Waa kii aynu dooranay, isaga ayaana laga sugayaa in garowshiiyo laga helo”.

Jamaal wuxu sheegay in halkii ay xukuumadda iyo Madaxweyne Siilaanyo oo dadku ay doorteen uu tanaasulaad muujin lahaa in xisbigooda UCID uu yahay ka had iyo jeer tanaasulka sameeya.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu ka cawday in mar walba oo ay heshiish la galaan xukuumadda ay kaga baxaysay.  Heshiisyadaas waxa ka mid ahaa kii diiwaangelinta ayuu yidhi Jamaal.

Musharax Jamaal wuxu sidoo kale ka hadlay Guurtida, waxanu yidhi:

“Dalku sharci buu leeyahay. Guurtiduna waxa ay kordhinta kartaa oo kaliya marka ay jiraan xaaladaha ku xusan Dastuurku. Martka  aanay xaaladahaasi jirin Dastuurku kama hadal wixii la yeeli lahaa. Sidaas daraadeed waxa sharci noqonaya oo kaliya wixii ay xisbiyadu ku heshiiyaan.”

Jamaal Cali Xuseen wuxu duray Guddoomiyaha Golaha Guurtida, wuxuna ku canaantay in intii xaaladda muddo-kordhintu socotay aanu si wanaagsan ula dhaqmin duruufihii jiray.

Gebogebadii Jamaal wuxu sheegay in xilkii Madaxweynaha uu ka hadhsan yahay wax ka yar todobaad, sidaas daraadeedna loo baahan yahay Madaxweynuhu in uu masuuliyad muujiyo oo digreeto ku soo saaro wixii ay saddexda xisbi qaran dhawaan ku heshiiyeen si go’aankaasi uu meelmar u noqdo.

bandhige@gmail.com