Jamaal Cali Xuseen oo dhaliilay Guddiga dib u habaynta siyaasada dhulka ee uu dhowaan magacaabey Siilaanyo

Guddi ka kooban 12 wasiir oo uu dhowaan Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay dib u habaynta siyaasada dhulka oo baryahan danbe ay soo kordheysay mushkiladaha dhulka . ayaa dhaliilay musharaxa Jagada Madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.

Jamaal Cali Xuseen oo waraysi uu siiyey shalay galinkii dambe oo jimce ahayd TV-ga Star ayaa ku eedeeyey in Guddiga Wasiirada ka kooban ee uu Madaxweynuhu magacaabay ay horseed u yihiin dhul boob, kaasi oo uu ku sifeeyey in xukuumaddu waddo.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyey in xukuumaddu sharci adag ka soo saarto dhulka, wakhti xaadirkana aanay digreeto waxba ka tarahayn mushkiladaha dhulka ee bulshada kala haysta.

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo arimahaasi ka waramaya ayaa waxa uu yidhi:

“Maanta waxaan doonayaa inaan halkan kaga hadlo, Guddi ka kooban Wasiiro oo uu Madaxweynuhu magacaabay, kuwaasi oo la doonaayo, in lagula wareego dhulka Somaliland, laakiin mudane Madaxweyne kaamanaan filanayn inaad magacawdo Guddi Wasiiro ah ee waxaanu kaa filanaynay inaad digreeto ku soo saarto xiligii ay Maxkamada Dastuuriga ahi u qoondaysay inay doorashadu dalka ka qabsoonto ee 28 Maarj2017-ka, laakiin wakhti xaadirkan kaamanu filanayn inaad soo saarto go’aan dhulka lagu boobaayo.”

Isaga oo hadalka sii watana waxa uu yidhi:

“Anigu shaqsi ahaantay, arrintaa dhulku maaha arrin la yaraysan karo ee waan ka digayaa, waana arrin xaasaasi ah, waxay ahayd in dawladdu bari hore ay sharci ka soo saarto, laakiin digeertada wakhtigani maaha mid sharci ah.”

Si kastaba ha ahaatee eedaymaha uu Jamaal Cali Xuseen u soo jeediyey, Guddiga Wasiirada ah ee uu Madaxweynuhu u magacaabay diyaarinta iyo dib u habaynta siyaasada dhulka, ayaa u eeg kuwo xiligoodii ka soo hore maray, sababta oo ah Guddidan uu Madaxweynuhu magacaabay ayaa la rabaa inay dib u eegaan siyaasada lagu maamulaayo dhulka, si wakhtiga dhow loo helo siyaasad dhamaystiran oo lagu hago dhulka, ilaa wakhti xaadirkana aanay Guddigu qaadin wax tallaabo ah oo laga hadlo.

bandhige@gmail.com