Jamaal Cali Xuseen oo guddoomay raaligelintii Rayaale, hoggaamintiisiina aad u ammaanay

“Waanu aqbalnay raaligelinta Madaxweyne Daahir Rayaale, hoggaamiyaha dhabta ah waxa lagu gartaa markuu garowshiiyo yeesho” sidaa waxa yidhi musharaxa jagada madaxweynaha ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo qoraal kooban makhribkii maanta ku daabacay boggiisa Facebook-ga.

Jamaal wuxu intaas ku daray in uu Madaxweyne Rayaale wax badan qabtay sidaas daraadeedna uu milgo iyo sharaf ku leeyahan Somaliland.

“Madaxweyne Daahir Riyaale maanta wuxuu inoo muujiyey inuu yahay hoggaamiye aragti dheer, madaxda Afrikana way ku adag tahay inay qirtaan qaladkooda” ayuu raaciyey Jamaal.

Sidoo kale Jamaal wuxu ku ammaanay Madaxweyne Rayaale in uu dimuraadiyadda Somaliland dhisay, 5 doorasho oo aan dhiig ku daadan qabtay iyo in uu daacad ka ahaa qaddiyadda Somaliland.

Musharax Jamaal wuxu qoraalkiisa ku soo gunaanaday “Ilaahay madaxda ha inoo hagaajiyo”.

Hoos ka akhri qoraalkii Jamaal oo isku dhan.

Jamal Facebook note
Qoraalka uu Jamaal Cali Xuseen Facebook-ga ku baahiyey

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

bandhige@gmail.com