“Haddii murashaxnimadayda lagu ansixin waayo shirweynaha, waa khayaamo, xisbiga UCID-na maxkamadda ka dhammaan maayo” Jamaal Cali Xuseen

Murrashaxa jagada madaxweynimo ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka hadlay khilaafka xisbiga UCID curyaamiyey, waxana uu si gaar ah carrabka ugu adkeeyey sida uu u arko in looga midho dhalin karo go’aamadii ay maxkamadda sare dhawaan khilaafka xisbiga kasoo saartay.

Jamaal Cali Xuseen oo u warramay midka mid ah Telefishannada afka Soomaaliga ku hadla, ayaa ugu horrayn ka hadlay sidii ay isaga iyo guddoomiye Faysal isku soo galeen iyo wixii uu ka aaminsanaa xilligaas, waxa uu u yidhi:

“Annagu Faysal waxa aanu u arkaynay nin weyn oo sujuud leh oo qawl eegaya, anigana Faysal baa ila soo xidhiidhay oo yidhi anigaa ku siinaya wixii aad UDUB ka doonaysaye halkan nala dhis.”

Jamaal oo ka jawaabayey su’aal nuxurkeedu ahaa haddii shirweynaha aan caadiga ahayn ee maxkamaddu xisbiga ku amartay in uu qabsado lagu ansixin waayo isaga iyo Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbgia UCID Cali-gurey oo ay haatan isku dhinac yihiin, ayaa arrintaas ku tilmaamay khiyaamo, isagoo xusay in haddii ay caddaalad-darro kale dareemaan aanu xisbiga maxkamadda ka bixi doonin, waxana uu yidhi:

“Haddii aniga iyo Cali-gurey shirka la qabanayo nalagu ansixin waayo taasi waxa ay noqonaysaa khiyaamo, waayo wixii lagu heshiiyey ama waa la wada ansixinayaa ama waa la wada diidayaa, haddii uu Faysal wax khiyaameeyana xisbigu maxkamad ka dhammaan maayo.”

Murrashax Jamaal waxa uu sheegay in aanu Guddoomiyaha xisbiga UCID ka haynin soo jeedin sax ah oo uu ku xisaabtami karo, balse ay weli arrimuhu iskaga dhex qasan yihiin, isagoo arrimahaas ka haldayana waxa uu yidhi:

“Faysal  mar damac baa ku jira oo inuu mar saddexaad oo aanu sharciga xisbigu u oggolayn tartamo ayuu rabaa, haddii uu maanta ii yimaaddo oo uu yidhaahdo anaa doonayana wax bay ahaan lahayd.”

xigasho: Hubaal Media

bandhige@gmail.com