Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe waa laga sifeeyey bulshadii muslimiinta ahayd

Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe waxa la ugaadhsaday isla markaana laga nadiifiyey bulshooyinkii Islaamka ahaa ee muddada dheer ku noolaa. Tirada muslimiinta ah ee ku sii hadhayna waxay sheegayaan in lagu qasbayo in ay u digo-rogtaan diinta Kiristaanka.

Falkan dabar-goynta muslimiinta waxa ku kacay ilaa haddana wada jabhaddaha dalkan ka hawlgala oo ka faa’iidaystay kadib markii ay dawladdii dhexe meesha ka baxday.

Hay’adda xuquuqda aadamaha u doodda ee magaceeda la yidhaa Amnesty International ayaa ku qeexday waxa meesha ka socda dabar-goynta bulsho dhan oo diinta Islaamka haysata.

30,000 (soddon kun) oo qof oo muslimiin ah ayaa haatan ku jira toddoba xero oo ay ilaaliyaan ciidamada nabad-ilaalinta ee Qaramada Midoobay. Hase yeeshee waxa dayacan muslimiintii miyiga ku noolayd oo ay jabhadahani si fool xun u beegsadaan isla markaana si ba’an u weeraraan.

Kuwa miyga ku nool iyo ciddii dibada uga soo baxda xerooyinka lagu ilaaliyaa midkoodna ma sheegan karaan muslimiin, salaad ma tukan karaan, sida muslimiintana uma lebisan karaan.

Kuwa weerarada wada ayaa badankoodu ka tirsan jabhadda lagu magacaabo Anti-Balacka iyagoo ka xanaaqsan jabhaddii Seleka la odhan jiray ee mar qabsatay dalkaas caasimaddiisa. Muslimiinta ayaa jabhaddan Anti-Balacka ay u arkaan in ay taageeraan ama niyadda kala jiraan kooxda Seleka oo ah muslimiin hubaysan.

Si kastoo ay tahayba, hay’adda Bisha Cas waxay wadankan Afrikada dhexe ku tilmaantay haddii aan sida ay hadda wax u socdaan la beddelin in uu waddankan noqon doonto tusaalaha cusub ee “Qaran Fashilmay.”

Bandhige@gmail.com