Jarmalka: 8 qof oo ku dhintay isku dhac laba tareen

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay, ilaa boqol kalena way ku dhaawacmeen isku dhac laba tareen oo ka dhacay gobolka Bavaria ee Jarmalka, shilkan labada tareen ayaa waxa uu ka dhacay meel dhow Bad Aibling oo 60 kiilo mitir u jirta magaalada Munich.

Shirkadda tareenka maamusha ayaa sheegtay labada tareen inay jidka dhinac ka baxeen kadibna ay isku dhageen oo gadoomeen.

Boliiska ayaa sheegay shaqaalaha gargaarka wali wadaan samato bixinta dadka ku go’doonsan burburka tareenka.

Rainer Scharf, oo ka tirsan boliiska Bavaria ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey qaabkii shilku dhacay, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Ayadoo la eegayo shilka suu u wayn yahay, in labada tareen ay iyagoo aan xoog u socon ay iska horimaadeen oo isku dhaceen.”

Shirkada tareenada ee Meridian ee gobolka ayaa hadal ay soo saartay ku sheegtay in shilka uu ka dhacay jidka u dhaxeeya Rosenheim iyo Holzkirchen saacada markay ahayd 07:00 subaxnimo.

Bernd Rosenbach, maamulaha Bayerische Oberlandbahn ee maamusha shirkada Meridian ee tareenada ayaa wariyayaasha u sheegay:

“In ay ku dadaalayaan in ay caawiyaan rakaabka, ehelada iyo shaqaalaha.”

Maamulaha dhinaca farsamada Fabian Amini ayaa ku daray:

“Waxaan u mahad naqaynaa shaqaalaha gurmadka deg dega iyo shaqaalaha tareenka oo caawinaad deg deg ah dadka siiyay.”

Shilkan labada tareen ayaa noqonaya mid khasaarihii aad badan yihiin inkasta oo ay xawaaraha ay ku socdeen labada tareen ahaa mid hoose.

bandhinge@gmail.com