Jarmalku waxa laga yaabaa in uu xaddido hubkii uu ka iibin jiray Sucuudiga, Imaaraadka iyo Turkiga

Xisbiga mucaaridka ah ee dalka Jarmalka Die Linke ayaa isku duba riday sharci la hor gaynayo baarlamaanka Jarmalka, kaas oo xaddidaya hubinka uu ka iibiyo saddexda dawladood ee Islaamka ah Sucuudiga, Imaaraadka iyo Turkiga.

Xisbiga sharciga soo qoray ayaa sheegay in ay soo-jeedintooda ku sababaynayaan xad-gudubyada aadamaha ka dhanka ah ee ka socda dagaalka Yemen oo ay hor kacayaan Sucuudiga iyo Imaaraadka iyo dhanka kale Turkiga oo lagu eedaynayo in uu xadgudubyo ku kacay meelo ka tirsan Suuriya.

Gaar ahaan sharcigani wuxu diirradda saarayaa Kaareyaasha nooca shabeelka loo yaqaan ee dalka Jarmalku waddamadan ka iibiyo.

Faahfaahinta kale ee sharciga lagu qoray waxa ka mid ah in kaareyaashan Turkigu u adeegsaday Kurdiyiinta iyo in Sucuudigu doonyo uu Jarmalka ka iibsaday u adeegsaday go’doominta Yemen.

Intii u dhaxaysay 2013 ilaa 2017, Sucuudigu wuxu ka iibsaday Jarmalka hubkii ugu badnaa ee dalkaasi iibiyo oo u dhigmayey 1.7 bilyan oo Doollar.