Jiir Lagu Magacaabo Magawa Ayaa Ku Guulaystay Bilad Dahab Ah Kadib Markii Uu Guulo Kasoo Hooyay Hawlo Miino Baadhis Ah

Jiir Lagu Magacaabo Magawa Ayaa Ku Guulaystay Bilad Dahab Ah Kadib Markii Uu Guulo Kasoo Hooyay Hawlo Miino Baadhis Ah

Jiirkan oo lagu magcaabo Magawa, ayaa ku guulaystay abaalmarinta billadda dahabka caalamiga ah ee ย geesinimada ย “life-saving bravery”.

Wuxuu ku dhashay dalka Tanzania ee Bariga Qaaraddan Africa sannadkii 2014-kii. ย Lakiin tababar ย sare oo Miino-baadhista ah, ayuu kusoo qaatay waddanka Cambodia oo kuyaalla Koonfur bari Qaaradda Asia.

Sida ay daabacday shebekedda CNET. COM oo aan soo xigtay, jiirkan ayaa ku guulaystay in uu soo saaro 39 miino, oo ah nooca dhulka lagu aaso iyo 28 saanadood oo ah hub lagu qariyay dhulka hoostiisa oo aan hore loo helin. Waxaana la sheegay ย in uu badbaadiyay Bani Adam ay khatar ku ahayd Miinada iyo qalabkaas la aasay.