Kaddib markii Taiwan iyo Somaliland ay kala saxeexdeen heshiis ganacsi, Weftiga Somaliland ee ku sugan Taipei, waxa ay kulamo la bilaabeen hay’adaha ganacsiga iyo dhaqaalaha ee dalka Taiwan.

Kaddib markii Taiwan iyo Somaliland ay kala saxeexdeen heshiis ganacsi, Weftiga Somaliland ee ku sugan Taipei, waxa ay kulamo la bilaabeen hay’adaha ganacsiga iyo dhaqaalaha ee dalka Taiwan.

Weftigu waxa uu maanta kulan la qaatay ururka Baananka ee Taiwan oo ay ku midaysan yihiin 62 Hay’addo maaliyadeed, oo ay ku jiraan 36 Baanan Ganacsi, Laba Baan oo ah kuwa wershadaha, hal Baan oo Dhoofinta iyo Soo dejinta ah (Export-Import Bank) iyo hal Baan oo ah Horumarinta Beeraha ( Agricultural Financial Bank).

Weftigu waxa uu la wadaagay Midawga Baananka Taiwan muhiimadda ay leedahay mandaqada ay Somaliland ku taal oo ah goob istaraataji u ah ganacsiga iyo dhaqaalaha isla markaana ay Somaliland tahay marinka Ganacsiga Afrika ee Taiwan.

Waxa weftigu la wadaagay in dawladda Somaliland ay leedahay qaab-dhismeed sharci oo hufan oo maaliyadeed iyo kuwo maal-gashi oo siinaya maalgashadayaasha dhawrista ay u baahan yihiin – gaar ahaan, Somaliland waxay diyaar u tahay inay soo dhawayso shirkadaha iyo hay’adaha maaliyadeed ee ka socda Taiwan ee danaynayaan inay Somaliland maalgashadaan.

Ugu dambeyn, waxa laga wada hadlay habka ugu haboon ee looga faa’iidaysan karo fursadaha heshiis ka ganacsi ee Taiwan iyo Somaliland ay kala saxeexdeen.