Tareen casri ah oo ka dhex gooshaya Addis Ababa ayaa xadhiga laga jaray

Tareen casri ah oo dadweynaha daabuli doona ayaa xalay daaha laga rogay magaalada Addis Ababa, xarunta Itoobiya.

Tareenkan oo ah mid aad casri u ah wuxu dhismihiisu socday afartii sanno ee ugu dambeeyey, waxana 80% maalgeliyey bangiga Shiinaha ee lagu magacaabo “China Export and Import Bank,” 20% waxa bixisay xukuumadda Itoobiya. Sida ay shaacisay xukuumadda Itoobiya, kharashka tareenkan ku baxay waa 450 milyan oo Doollar, waxana dhismihiisa fuliyey injineero Shiine ah.

Tareenkan oo dariiqa uu marayo dhererkiisu yahay 35 kiiloo-mitir wuxu magaalada ugu kala gudbayaa Waqooyi-Koonfur iyo Bari-Galbeed, wuxuna marayaa inta badan xaafadaha magaalada oo suuqa hoosena ka mid yahay.

Waxa la filayaa in maalin kasta tareennadan casriga ahi ay daabulaan hal milyan oo qof, taas oo si weyn hoos ugu ridi doonta saxmaddii dariiqyada ee beryihi u dambeeyey dadweynaha Addis Ababa ka cabanayeen.

Tareenkan ayaa saacaddii ku soconaya xawaare dhan 60 kiiloo-mitir. Maamulka magaalo-madaxda Itoobiya ayaa sheegay meelihii dadka baabuurta wataa ay laba saacadood ku gaadhi jireen tareenku wuxu ku tegi doonaa 15 daqiiqo maadaama saxmad xanibaysaa aanay jirin.

Madaxa tareennada Itoobiya oo warfidiyeennada u warramay ayaa sheegay in qiimaha lagu raacayo uu yahay 22 senti oo Doollarka Maraykanka ah, meelaha ugu fogfogna lagu raaci doono 42 senti, taas oo ah lacag ay awoodi doonaan xataa dadka saboolka ah ee Addis Ababa ku nool.

Itoobiya ayaa beryihii u dambeeyey ku mashquulsanayd hagaajinta kaabeyaasha dhaqaalaha si loo kobciyo dhaqaalaha dalka, waxayna noqotay waddanka kalia ah ee Afrikaan ah ee dhaqaalihiisu oo laba god kordho sannadkiiba.

Bandhige@gmail.com

tareen tareen 2  tareen 3

bandhige@gmail.com