Khamri lagu qabtay Laascaanood

Kornayl Cabdiraxmaan Nuur Colhaye, taliyaha bilayska gobolka Sool, wuxu Salaasadii shaaciyey in ciidankiisu ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad 70 litir oo khamri ah kaas oo la rabay in lagu isticmaalo Laascaanood.

Taliye Colhaye iyo Duqa Laascaanood waxa ay qabteen shir-saxaafadeed wada-jir, waxayna ku hanjabeen in ay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo ku lug yeelata mukhaadaraadka uu Khamrigu ka midka yahay ee sharci ahaan ka mabnuuca ah in lagu dhex isticmaalo Somaliland.

“Waxa naga go’an in aan dabar-goyno maandooriyeyasha khamriga iyo xashiishaddu ka mid yihiin” Kornayl Colhaye

Waa la xidhay mulkiilihii khamriga la qabtay oo sidoo kale gaadhigiisu jiidhay qof dhaawaciisu cisbitaalka yaal, waxana la filayaa in Arbacadan maanta maxkamad la hor geeyo.

Maayarka Laascaanood ayaa sheegay in beryahan dambe hadal-haynta khamriga, iibkiisa iyo dadka isticmaalayaa ay ku bateen degmadan sidaas daraadeedna ay ku khasbanaanayaan in ay wax ka qabtaan.

Maayarku wuxu bilayska ku ammaanay guushan ay gaadheen wuxuna ciidamada jooga kantaroollada ay baabuurtani soo maraan kula dardaarmay in aanay wax naxariis ah iyo axsaan midna u samayn dadka maandooriyeyaasha raba in ay soo galiyaan gudaha Laascaanood.

.