Khilaafka ka dhex qarxay UCID ma galaafan doonaa murashaxnimada Jamaal iyo Cabdirashiid?

Khilaaf aan la saadaalinayn ayaa maalmahan ka dhex qarxay xisbiga UCID iyadoo guddoomiyaha iyo labada murashax ay warbaahinta isugu jawaabeen marar dhawr ah.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga UCID aan weli la qaban isla markaana aan weli la soo saarin murashaxiintii xisbiga u meteli lahayd doorashada 28 March 2017.

Faysal wuxu sheegay in ay sugayaan inta lagu kala baxayo shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye ee la filayo in uu qabsoomo 10-ka November 2015-ka.

Hase ahaatee Jamaal Cali Xuseen oo cadho badani ka muuqato uu isaga oo Dubai jooga la hadlay telefishanka Star TV wuxuna sheegay in isaga iyo Cabdirashiid Xasan Mataan ay yihiin murashaxiinta xisbiga isla markaana aan loo baahnayn shir Golaha Dhexe ah oo UCID qabsato maadaama 2012-kii la caddeeyey cidda UCID u ah marashaxa madaxweynaha iyo ku-xigeenka.

Guddoomiye-Xigeenka 3aad ee UCID Cali Gurey ayaa farriin uu soo dhigay boggiisa Facebook-ga wuxu ku sheegay in uu muddo hore xisbigiisa kula taliyey in loo baahan yahay Plan B, taas oo ah haddii Siilaanyo murashax noqon waayo. Sida muuqata Cali Gurey wuxu u ujeeday in istiraatijiyadda Jamaal murashaxa ku noqday ay ahayd tii markii uu Siilaanyo murashaxa ahaa, laakiin hadda loo baahan yahay plan b.

Si kastoo ay tahay, Guddoomiye Faysal iyo labadiis murashax oo isku sii xumaadaa waxa ay shuucaac ku furaysaa  cidda UCID u meteli doonta doorashada 2017-ka, iyadoo werwerku yahay cidda Kulmiye ka soo jabtaa in ay xisbigan UCID ku soo ciirto oo kala baxdo murashaxiintii hore.

Hoos ka daawo muuqaalka Star TV ee Jamaal Cali Xuseen kaga hadlayo arrintan:

Bandhige@gmail.com