Khilaafka Khaliijka: murugga diblomaasiyadeed oo laga baqayo in uu sii xumaado

 

Khilaafka diblomaasiyadeed ee Khaliijka ka taagnaa toddobaadyadii ugu dambeeyey ayaanay muuqan ifafaalo muujinaya in uu ka soo raynayo in uu ka sii xumaado mooyaane.

Xukuumadda Gadar ayaa dhawaan tibaaxday in aanay macquul u arag 10-kii qodob ee ay dalbadeen is-bahaysiga Sucuudigu hor kacayo ee go’doominta ku soo rogay Gadar, waxaanay ku tilmaantay in ay qodobadaasi yihiin farogelin qaawan oo loo gaysanayo arrimaha gudaha iyo kuwa dibedda ee Gadar.

Safiirka Imaaraadka u fadhiya Ruushka Cumar Qoobaash ayaa sheegay in haddii ay Gadar u hoggaansami waydo dalabaadka loo gudbiyey ay waajihi doonto go’doomin hor leh taas oo ah in is-bahaysigoodu ay shirkadaha iyo waddamada la ganacsada Gadar ku soo rogi doonaan in ay ama Gadar u go’aan ama dawladaha kale, taas oo sida uu sheegay si ba’an u dhaawici doonta dhaqaalaha Gadar.

Dhinaca kale, xukuumadda Gadar ayaa sida muuqata aan wakhti siin sidii ay uga soo jawaabi lahayd dalabaadka ay Sucuudiga iyo Imaaraadku u soo gudbiyeen laakiin ku mashquulsan  wax-iska-caabin diblomaasiyadeed ku mashquulsan laakiin iyadoo shalay kiraysatay shirkad caan ah oo dhinaca sharciga ah oo laga leeyahay waddanka Switzerland, taas oo waddamada ay Sucuudiga iyo Imaaraadku hor kacayaan ku soo rogi doonta magdhow la xidhiidha dadkii ay sida caddaalad-darrada ah dhibaatadu uga soo gaadhay go’doominta ay waddamadaasi Gadar ku soo rogeen.

Tallaabadan ay Gadar qaadday ayaa muujinaysa in aan labada dhinac midkoodna haatan xal diyaar u hayan laakiin uu dhinac waliba ku dadaalayo sidii uu libin diblomaasiyadeed u soo hoyn lahaa.

Ururka u dooda xuquuqda aadamaha ee dalka Gadar ayaa sidoo kale sheegay in ay isku duba ridi doonaan dacwado la xidhiidha muhaajiriin ka shaqaynayey shariikado ay Gadar leedahay oo Sucuudiga ku yaalla kuwaas oo markii la mastaafuriyey maamuleyaashoodii Gadariyiinta ahaa ku dhacay meel cidlo ah isla markaana aan haysan wax ay cunaan iyo meel ay seexdaan.

Bandhige kala soco wixii hadba ka soo kordha dagaalka diblomaasiyadeed ee ka socda Khaliijka iyo Bariga Dhexe.

Bandhige@gmail.com