Khilaafka Khaliijka: Wakhtigii Gadar loo qabtay wuu dhammaaday, maxaa la filan karaa maalmahan soo socda?

 

Khilaafka ba’an ee ka taagan Khaliijka ayaa laga werwersan yahay in uu cirka isku sii shareero iyadoo ay xalay ku ekayd wakhtigii Sucuudiga, Masar, Imaaraadka iyo Baxrayn ay u qabteen Gadar in ay kaga soo jawaabto 13-kii shuruudood ee laga doonayey in ay fuliso si loo soo afjaro khilaafkan caalamku ka walaacsan yahay.

Xalay ayaa dawladaha Sucuudigu hor kacayaa ay 48 saacadood u kordhiyeen wakhtigii ay u qabteen Gadar kadib markii ay sidaa codsatay Kuwayd oo dhexdhexaadiye ka ah khilaafka.

Tallaabooyinka laga doonayo in ay Gadar fuliso waxa ka mid ah in ay telefishanka Al Jazeera albaabada isugu dhufato, in ay Saldhigga Turkiga xidho iyo in ay xidhiidhka u goyso Iiraan.

Hase haatee, Gadar iska daa in ay shuruudihii lagu xidhay fuliso’e, waxay qaadday tallaabooyin jihada kale u socda iyadoo kiraysatay shirkad caalami ah oo dhinaca sharciyada ah oo dacwad ku soo oogta waddamadan isla markaana waxay si cad u sheegtay in aanay u hoggaansamayn qodobada ay soo jeediyeen waddamada go’doominta ku soo rogay.

Wasiirka awoodda badan ee Arrimaha Dibedda ee Gadar Sheekh Maxamed bin Abdulraxmaan Al-Saani oo Sabtidii shir-saxaafadeed ku qabtay magaalo-madaxda Talyaaniga ayaa tibaaxay in dunidu ka soo gudubtay wakhtigii dawladaha waaweyni ay kuwa yaryar liqi jireen isla markaan aan dunida lagu maamulin cago-juglayn laakiin lagu maamulo sharciga caalamiga ah.

Dhinaca kale, Gadar waxay goor dambe oo xalay ahayd Kuwayd u gudbisay jawaabta 13-kii shuruudood ee kooxda Sucuudigu hoggaamiyanaa soo gudbiyeen taas oo si weyn loo aaminsan yahay in ay diidmo tahay.

Maxaa dhici kara maalmaha soo socda?

Sidii uu dhawaan sheegay Safiirka Imaaraadka u fadhiya Ruushka, waxa suurtogal ah in cuno-qabataymo cusub lagu soo rogo Gadar kuwaas oo ay ka mid yihiin in shariikadaha ganacsiga lagu khasbo in ay  kala doortaan Gadar iyo afata waddan ee go’doomiyey.

Tusaale ahaan, waxa dhici karta in bangiyada ay leeyihiin Sucuudiga, Imaaraadka iyo Baxrayn amar lagu siiyo in ay lacagtooda kala soo baxaan bangiyada Gadar isla markaana waydiistaan in ay Gadar daymaha isaga bixiso muddo gaaban.

Sidoo kale waxa suurtogal ah in shariikadaha waaweyn lagu cidhiidhyo in ay u celiyaan saamiyada ay Gadar ku leedahay.

Labadan tallaabo tii la qaadaaba waxay si halis ah u dhaawici doonaan (ugu yaraan muddada dhaw) dhaqaalaha Gadar oo maalmihii ugu dambeeyey ay dhibaatooyin soo gaadheen. Axaddii oo kali ah saamiyada suuqyada Gadar waxay hoos u dhaceen 3% iyadoo laga soo bilaabo 5tii June oo ahayd markii go’doominta lagu soo rogayna ay hoos u dhaceen 11%.

Sidoo kale, bangiyada ugu waaweyn Ingiriiska qaarkood ayaa maanta joojiyey adeegsida riyaalka Gadar, iyagoo ka shakiyey in ay noqoto lacag aan xasilloonayn iyadoo ay dhici karto in bangiyada kale ee caalamiga ahina dariiqaas raacaan.

Tallaabooyinka dhaqaalaha Gadar lagu dhaawacayo marka laga yimaad, waxa iyaduna suurtogal ah in tallaabo milatari laga qaado in kastoo aanay u badnayn in taasi dhici karto sida ay kooxo badan oo khubrada amniga ee caalamku aaminsan yihiin.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Gadar ayaa sheegay in waddankiisu diyaar u yahay in uu iska difaaco weerar kasta oo kaga yimaad dhinaca xulufada Sucuudiga. Wuxu sheegay in aanay Gadar noqon doonin waddan ay Sucuudiga iyo xulufadiisu si sahlan cunaha u mariyaan.

Ciidamo Turki ah ayaa ku soo qulqulayey Dooxa tan iyo markii uu bilaabmay Khilaafka Khaliijku iyadoo xayntii u dambaysay ay yimaadeen Axaddii shalay.

Suugaanyahannada iyo farshaxanyahannada Gadar ayaa suugaantooda ku cabiray in dagaal xulufada Sucuudigu ku soo qaadaan Gadar uu u ekaan doono kii dhex maray Nebi Daa’uud iyo Jaaluud, taas oo ay uga jeedaan in ka itaalka yari uu jabin doono ka xoogga is bidaya weyn.

Haddiiba uu dhaco dagaal dhex mara Gadar iyo xulufada Sucuudiga, waxa la sheegay in aanay saamayntiisu ku koobnaan doonin Khaliijka laakiin ay adduunka oo dhan gaadhi doonto.

Diblomaasiyiin reer galbeed ah oo ka hawl gala dalka Sucuudiga ayaa wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa carriga Ingiriiska u sheegay in tallaabada Gadar lagu go’doominayo ay ka timid Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sucuudiga ee 31-jirka ah isla markaana ah Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Bin Salmaan.

Kala soco Bandhige hadba wixii ka soo kordha Khilaafka Khaliijka.

Hoos ka akhriso warar hore oo kan la xidhiidha.

http://bandhige.com/khilaafka-khaliijka-waxa-laga-baqayaa-in-uu-u-xuubsiibto-dagaal-hubaysan/

http://bandhige.com/khilaafka-khaliikja-iyo-xalka-sayidkooda/

http://bandhige.com/khilaafka-khaliijka-murugga-diblomaasiyadeed-oo-laga-baqayo-in-uu-sii-xumaado/

Bandhige@gmail.com