Sannadkii 1962-kii ee uu Cigaal ‘AHN’ ahaa wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya, ayuu amray in 10 baabuur loo soo iibiyo ciidanka qaranka Soomaaliya. Waxaana laga dalbaday shirkadii Ingiriiska ee Commer la odhan jiray oo uu Cabdilaahi Oomaar’ AHN’ wakiil uga ahaa Soomaaliya. Baabuurtii ayaa laga soo dejiyey Berbera, waxaana la keenay xerada Birjeex ee ciidanka ee Hargaysa. Baabuurtii ayaa lagu tijaabiyey dooxa Hargaysa bal inay ka gudbaan iyo in kale. Baabuurtii way ka bixi kari waayeen dooxii, Milatarigu way ka caagan yihiin inay adeegsadaa baabuur aan dooxyada iyo dhulka qarfaha ah aan ka gudbeyn. Madaxdii ciidanku waxa ay Cigaal warbixin ugu sheegeen in aanay baabuurtani anfacayn. Hasayeeshee wasiir Cigaal ayaa ku adkaystay in baabuurta sidooda loo qaato.
Bilo ka bacdi waxa suuqa soo gashay inuu Cabdilaahi Oomaar ku wacad furay heshiis uu la galay wasiir Cigaal. Heshiiskaasi oo ahaa in Cabdilaahi Oomaar uu qaybtiisa faa’iidada uu siin doono Cigaal. Odayaal is-xilqaamay ayaa u tegay Cabdilaahi Oomaar, kana codsaday inuu fuliyo ballanqaadii uu la galay Cigaal. Hasayeeshee Cabdilaahi Oomaar wuu diiday fulintaasi. Wasiir Cigaal ayaa odayaashii is-xilqaamay oo faramadhan markay ku soo noqdeen yidhi iska daa anigaa og maalintuu Cabdilaahi Oomaar iila soo ordi doono bixinteedee.
Cigaal markuu noqday Raysal wasaaraha sannadkii 1967-kii, wuxuu markiiba xilkii ka qaaday guddoomiyihii Baanka dhexe ee Soomaaliya, waxaanu ku beddelay mid kale. gacansade Cabdilaahi Oomaar wuxuu gancasigiisu ku tiirsanaa deynta uu ka qaato Baanka dhexe. Wuxuu Cigaal ku amray guddoomihii Baanka dhexe inuu deyn-siinta ka joojiyoa Cabdilaahi Oomaar, sidoo kale wuxuu amarka raaciyey haddii Cabdilaahi Oomaar uu ku bixin waayo deynta uu Baanku hore ugu lahaa in la xaraasho fooqiisa lixda dabaq ah. Shirkadihii gancasi ee Cabdilaahi Oomaar maali gudaheed ayey dhulka galeen. Baankii dhexe wuxuu shaaciyey in fooqii lixda dabaq ahaa la xaraashi doono 21 Oktoobar sannadkii 1969-kii.
Waxa gancsatadii Muqdisho loo sheegay inay ka soo qaybgalaan xaraashkaasi. Cabdilaahi Oomaar isaga oo niyad-jabsan ayuu bil ka hor qabsoomidda xaraashka dartii u dhoofay dalka Ingiriiska, halkaasina uu qoxoonti ka noqday. Subaxnimadii xaraashka loo ballansanaa waa kii inqilaabkii dhacay, dawladdii Cigaalna meesha ka baxday, halkaasi ayuu fooqii Cabdilaahi Oomaar ku badbaaday.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Tixraac: Amb. Xuseen Cali Ducaale “ Cawil”…….Raad-Raac Taariikh Soomaaliyeed. V.2