Khilaafkii dhallinyaradda xaafada Daami oo la dhameeyey

Shir muddo afar maalmood ah ka socday xaafada Daami ayaa lagu soo gaba gabeeyey khilaafkii dhallinyaradda todobaadkii hore rabshado kooxeysi ahi dhex mareen.

Shirkaasi lagu heshiisiinaayay labbada garab ee dhallinyaradda ah ee dhawaanta uu dagaalku ku dhex maray inta u dhaxaysa xaafada daami iyo sheekh madar ayaa maanta madashaasi shirka ah lagaga dhawaaqay inuu ku dhamaaday heshiis buuxa iyo is afgarad labada dhinac ah.

Waxaana shirkaasi goob joog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka amniga Cabdi Daahir Camuud, Taliye Ku-Xigeenka Booliska Fooxle, Gudoomiye-xigeenkii hore ee Guddiga Xuquuqal insaanka Xasan Sheekh Maxamed Aw Cali,  Liiban Ismaaciil Maxamuud oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xuquuqal Aadamaha Qaranka, Cuqaasha iyo Salaadiinta beelaha xaafadahaas wada degan iyo dadweyne kale oo tiro badan kuwaasi oo ka kala yimid labada dhinaca ee shaqaaqadu dhex martay.

Sida ay xaqiijiyeen guddigii Xalinta shaqaaqadaasi waxay ay isa soo hor fadhiisiyeen labbadii garab ee dhallinyarada ahaa, ee shaqaaqadoodu muddada badan soo noqnoqtay, ka dib wadahadal labbada dhinac dhex maray waxa laga soo saaray heshiis iyo si afgarab laga gaadhay khilaafkii muddada ka socday xaafadaasi.

Sidoo kale waxa madashaasi shirka ah lagu aas aasay guddi labbada dhinac ah oo ay xaafada Daami u dhan tahay oo booliska ka shaqayn doona arrimaha nabad-gelyada, lGudiddan nabad-gelyadda ayaa ka kooban 18 xubnood ka kala yimid 10 xubnood  oo ah guddiga nabad-gelyada xaafada iyo 8 xubnood guddiga dhallinyaradda xaafada.

Waxaana madashaa shirka lagu iclaamiyey liiska dhalinyarada guddiga ah ee labbada garab, iyo ka odayaasha oo halkaasi lagaga dhawaaqay.

Ugu dambayntiina waxay guddigu ku dhawaaqeen qodobadan hoos ku qoran:

waxay guddidu ka soo saaray shirkaasi qodobadan hoos ku xusan.

  1. Waxaa xaafada loo sameeyay guddi midaysan oo ka kooban 10 xubnood labada dhinac mid oo Amniga Xaafada Kala Shaqaynaya Booliska iyo Dhalinyaradda.
  2. Waxa kale oo la sameeyey gudi dhalinyaro oo ay u dhanyihiin Labada Dhinac, waxaanay si buuxda ugu heshiiyeen inay si buuxda amaanka xaafada uga wada shaqeeyaan iyo horumarka xaafada.
  3. In si midaysan labbada guddi iyo dhamaan masuuliyiinta xaafadu uga hawlgali lahaayeen sidii rugta booliska looga dhigi lahaa Saldhig weyn xukumadana u la kaashan lahaayeen.
  4. In guddiyada odayaasha iyo gudida dhalinyaraduba ay ugu tafaxaydan lahaayeen sidii dhalinyarada xaafada loogu heli lahaay Garoon kubbadeed oo xaafadu leedahay.
  5. In Booliska Lagala Shaqeeyo La dagaalanka Mukhaadaraadka iyo Dhaqamadda Xun Xun.
  6. In Sariibada xaafada la hagaajiyo lana horumariyo lana dayactiro lana kaashado Dawlada Hoose iyo cidii kale wax ka qaban karta horumarkeed.

Rabshadahan u dhexeeyey kooxaha dhlallinyaradda ayaa sababay dhaawacyo iyo xaalada amni darro oo ka jirtay muddooyinkii danbe xaafada Daami.

bandhige@gmail.com