Sheekh Dirir: musuqmaasuqa iyo sida looga tawbad keeni karo xatooyada xoolaha ummadda

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaalida, ayaa la wadaagay bulshada sida ay xaaran u tahay in lagu xad-gudbo, sifo gaar ah oo xatooyo ahna loogu qaato xoolaha danta guud ah ee ka wada dhexeeya ummadda.

Sheekh Dirir oo  khudbad ka jeediyey Masjidka Rusheeye ee Caasimadda Hargeysa maalintii Jimcaha ee toddobaadkan, waxa uu si guud ugaga hadlay boobka lagu hayo hantida danta guud ah, isagoo soo bandhigay qaababka kala duwan ee loogu tagri-falo hantida dadku wada leeyihiin iyo sida ay shareecada islaamku u xaaraantimaysay in si gaar ah loogu xad-gudbo xoolaha dadweynaha ka dhexeeya.

Hoos ka daawo Khudbada oo dhamaystiran: