Kiiniya ayaa shaacisay magacyada saddex nin oo qorista dhallinyarada u qaabilsan Al-shabaab

Dawladda Kiiniya ayaa soo bandhigtay magacyada saddex nin oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo u qaabilsanaa qoridda dhallinyarada Kiiniyaanka ku soo biirayaa ururka Al-shabaab.

Sidoo kale waxay Kiiniya sheegtay inay saddexdan nin ka mid yihiin ururka lagu magacaabo Jeesh Ayman, kaas oo ah faraca Al-shabaab ee u qaabilsan qoridda ciidamada shabaabka ah iyo fashilinta hawlgallada ay ciidamada dawladdu samaynayaan.

Ciidamada Booliska Kiiniya ayaa waxay sheegtay in saddexdan nin ay yihiin kooxda ka dhaadhicisiya fikirkooda, isla markaana ku qanciya dhallinyarada hawlaha ay sameeyaan kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale waxay soo bandhigeen magacyadooda oo ay ku sheegeen Cabdifataax Abuukar Axmed, Ramadaan Kufungwa, iyo Axmed Iimaan Cali, waxaanay amar ku bixisay in dhakhso loo soo qabto.

Waxa kale oo booliska Kiiniya sheegeen in ay dhallinyaro badan oo ku biirtay kooxda Al-shabaab ay kooxdani qoreen, dhallinyartaas oo waalidiintoodii ay laayihiin meesha ay ku sugan yihiin hadda.

Dhinaca kale Cabdifataax Abuukar ayaa Kiiniya sheegtay in uu ka baxay Soomaaliya sannadkii 2008-dii wakhtigaasi oo uu la shaqeynaayay Saalax Nabhaan oo ay ciidamada Maraykanku ku dileen Baraawe.

Kiiniya ayaa walaac xoog leh ka muujisay dhallinyaradda u dhalatay Kiiniya oo iyagu maalintii 8 saacadood ku dhawaad wakhti ah ku bixiya galinta Website-yada wararka la xidhiidha argagaxisada iyo Al-shabaabka.

Ururka Al-shabaab oo ka hawl gala Soomaaliya ayaa baryahan danbe weeraro argag leh ka gaysta gudaha dalka Kiiniya.

bandhige@gmail.com