Kiiniya oo shaqada ka caydhisay 63 askari

Baadhitaan socday muddo 14 bilood ah oo ay dawladda Kiiniya ku baadhay kun iyo afar boqol oo askari ayey shaqada kaga caydhisay 63 askari oo lagu eedeeyey musuqmaasuq.

Askarta shaqada laga eryey ayaa waxay u badan yihiin ciidanka ilaalada nabadgalyada waddooyinka.

Baadhitaanka waxa lagu ogaaday in booliska nabadgalyada waddooyinka ay si joogto ah ganaax uga qaadaan baabuurta ay toos u diraan madaxtooyada, iyagoo ugu dira telefoonada gacanta.

Waxa ku jira askarta shaqada laga eryey saraakiil sar sare oo ka tirsan booliska Kiiniya.

bandhige@gmail.com