Kiiniya oo sheegtay in ay xawaaladaha fasaxayso marka ay samayso xeerka lagu maamulayo

Madaxweynaha Kiiniya Uhuru Kenyatta wuxu xawaaladaha Soomaalida u sheegay war rajo iyo cabsi hor leh ku abuuray. Wuxu sheegay in xayiraada laga qaadi doono shirkadaha xawaaladaha Soomaalida ka dib marka uu dhamaystiro bangiga dhexe xeerka cusub ee lagu maamulayo.

Warkan ayaa ay bulshada Soomaalida iyo Muslimiin badan oo Kiiniya ku dhaqani ku farxeen, laakiin waxa ay isweydiinayaan nooca uu noqonayo xeerka la samaynayo iyo sida uu saamaynta ugu yeelan doono hannaakii ay dadka iyo xawaaladuhu u wada macaamili jireen.

Ballan-qaadankan waxa uu Kenyatta sameeyey bisha Ramadaan, wuxuna farriin uu u diray bulshada muslimiinta ah oo ay aad u saamaysay xayiraadda shirkadaha xawilaadaha Soomaalida la saaray weerarkii Al-Shabaab ku qaadday Gaarisa kadib.

Bishii April ayay Kiiniya albaabada isugu dhufatay 13 xawaaladood oo Soomaalidu leedahay iyada oo sheegtay in ay tallaabadaas kaga hor tagayso maalgelinta kooxda islaamiyiinta weerrada ay ku soo qaaday. Dawlada Kenya ayaa ku eedaysay xawaaladaha Soomaalida inay soo dhex maraan lacagaha ay isticmaalaan kooxaha argagaxisada ahi.

Soomaalida Kiiniya ayaa in muddo ah ku eedaynaysay xukuumaddooda in ay saartay cumo-qabatayn dhinaca dhaqaalaha maadaama qoysas badan oo Soomaali-Kiiniyaan ahi xawaaladaha ka qaadan jireen lacago dibedaha looga soo xawilo.

Soomaalida ayaa badi noloshoodu ku tiirsan tahay ganacsiga yar yar and lacagaha xawilaada qaraabadoodu u soo diraan, iyadoon aanay jirin bangiyo ay isticmaalaan.
Shirkadaha xawilaadaha Soomaalida ayaa sidoo kale la kulmay xayiraado waddamada Ingiriiska iyo Maraykanka, iyagoo soo saaray  xeerar adag oo lacag dirista si bangiyadu u qabtaan lacagaha qaldan ee u gudbaya ama loo dirayo kooxaha argagaxisada ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Soomaalida dibedda joogtaa ay sannad walba u diraan gudaha Soomaaliya lacag lagu qiyaasay 1.6 bilyan, taas oo ka badan isu-gaynta deeqaha la siiyo Soomaaliya.

Sida lagu sheegay daraasad ay samaysay Qaramada Midoobay, boqolkiiba 40% Soomaali ah ayey noloshoodu ku tiirsana lacagaha dibedda laga soo xawilo, taasi oo ay u isticmaalaan baahiyahooga aasaasiga ah.

Bandhige@gmail.com