Kiiniya waxay lacag dul dhigtay haweenay lagu eedeeyey in ay la shaqayso Al-Shabaab

Booliska Kiiniya ayaa dul dhigay adduun lacageed oo dhan $20,000 oo dollar haweenay lagu magacaabo Ruqiya Mbarak Faraj oo uu qabi jiray nin hore ugu biiray kooxda Al- Shabaab oo lagu macagacaabo Ramadan Kufungwa.

Booliska Kiiniya oo soo saarray war qoraal ah waxay sheegeen in Ruqiya ay ku sugan tahay mid ka mida xeryaha qoxootiga ee ku yaalla degmada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kiiniya ururka Al-Shabaab-na ay u qaabilsan tahay soo-gudbinta iyo tallaabinta hubka iyo aaladaha qarxa ee xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kiiniya.

Sidoo kale waxay qaabilsan tahay in ay xubnaha Al-Shabaab u shukaamiso haween ay guursadaan oo ka mid noqda kooxda.

Ruqiya waxa kale oo loo haystaa gacan ay ka gaysatay qaraxyo iyo dilal ka dhacay gobolka Waqooyi-Bari ee Kiiniya.

Wararka ku saabsan Ruquiya booliska Kiinya waxay ka heleen laba qof oo dumar ah oo toddobaad ka hor laga soo qabtay xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab.

Labadan dumar ah qabashadoodu waxay ku soo beegantay iyadoo Sabtidii inna dhaaftay booliksa Kiiniya ay qabteen hub iyo walxaha qarxaha, kaas oo laga soo saaray xaafad ay deggan yihiin qoys oo ku taal Gaarisa.

 

Bandhige@gmail.com