Kofi Anan oo geeriyooday isaga oo 80 jir ah

Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Kofi Anan ayaa manta ku geeriyooday Switzerland isaga oo ay da’diisu tahay 80 jir, dalkaas oo uu muddooyinkii dambe ku noolaa.

Wuxu geeriyooday kadib markii uu muddo kooban xanuunsanahay, waxaana la joogay xaaskiisa iyo xubno qoyskiis ka tirsan.

Kofi Anan wuxu Qaramada Midoobay hor kacayey intii u dhaxaysay 1997 ilaa 2006, isagoo muddadii ka horaysayna ahaa madaxa Nabad-Ilaalinta Qaramada Midoobay.

Kofi Anan ayaa lagu tilmaamaa in uu ahaa hoggaamiye haybad leh oo awood badan, isla markaana u jajaban hadba meeshii ay dunida dhibaato ka jirto.

Muddadii uu xilka hayey arrimaha lagu xasuusto waxa ka mid ahaa in uu yahay qofkii dejiyey Hadafyada Horumarinta ee Qarniga haatana loo yaqaan Hadafyada Horumarinta ee Raandhiiska Leh.

Sidoo kale waxa lagu tilmaamaa in uu isbeddel ku sameeyey meelo badan oo ka mid ah qaabka iyo hannaanka ay u shaqayso Qaramada Midoobay iyo in uu dunida kala soo dabaashay dhibaatooyin waaweyn sida dagaalladii Afgaanistaan iyo Ciraaq ee Maraykanku gadhwadeenka ka ahaa.

Hase ahaatee kuwa ka hor jeedaa waxay ku dhaliili jireen in uu waxba ka qaban waayey xasuuqii Rwanda wakhtigii uu ahaa madaxa ciidamada nabad-ilaalilanta Qaramada Midoobay iyo sidoo kale in marar dhawr ah isaga iyo wiilkiisa lagu eedeeyey musuqmaasuq, hase ahaatee markii dambe isaga saaray liiska dadka looga shakisan yahay musuqa.

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga Ah

Bandhige@gmail.com