“Gadh-wadeen kama aan noqon jirin go’aannadii uu qaadan jiray Ra’iisal-Wasaare Cigaal” Edna Aadan

Wasiirkii hore ee Arimaha Dibedda Dawladii Riyaale Adna Aadan Ismaaciil oo marti u ahayd barnaamijka Milicsiga Siyaasiga ee ka baxa TV-ga Universal ayaa waxay si qoto dheer uga warantay saamaynta ay ku lahayd dawladdii Soomaaliya isla wakhtigaas oo ay ahayd marwada raysal wasaaraha Soomaaliya Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Sidoo kale Adna waxay ka sheekaysay duruufihii qadhaadhaa ee ay soo martay xiligii ay waxbarashada ku jirtay, sababtoo xiliyadaasi waxaa Soomaalida ku cusbaa inay gabdhuhu wax bartaan.

Iyadoo ka hadlaysa wakhtigii ayaa Raysal Wasaaraha ay is qabeenna waxay tidhi:

“Marnaba gadhwadeen kama noqon jirin, go’aamada Raysal Wasaaraha Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxa u ahaa qof aad u degan oo maskaxdiisu u furan tahay siyaasadda, runtii mar marka qaar tallooyinka wuu ila iman jiray, laakiin hadana taladiisa ayuu ku meel mari jiray.”

Adna oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay sheegtay in xiligii uu saygeedu hogaamiyaha ka ahaa dawladii Soomaaliya ay jirtay marmarka qaar ay sasabasho wax kaga dhaadhicin jiray, waxaanay tidhi:

“ kolay sasabasho iyo maslaxasho way jirtay oo rag badan oo aan ka sasabay way jireen, laakiin mar hadii aad ka war qabto in odaygaaga tiisu ku filan tahay hadana ixtiraam ayaa la isku leeyahay.”

Sidoo kale mar ay Adna soo hadal qaaday kaalinta ay haatan kaga jirto marwada koowaad ee dalku Aamina-weris, waxay tidhi:

“Marwada koowaad kaalinteeda ugu wayni waa maslaxaad iyo dad usoo jiidid, runtiina tallo waa lagu waydiin karaa, illeen dad wada degan ayaad tihiine.”

Dhinaca kale marwo Adna Aadan oo haatan ka shaqaysa dhinaca caawinta dhallaanka iyo hooyooyinka ayaa waxay sheegtay in aanay dib ugu soo laaban doonin siyaasadda oo aanay jaanisba u haynin, waxaanay tidhi:

“Aniga siyaasaddu halkaa ha iigu joogto, kuna soo noqonmaayo, wakhtina uma hayo laakiin cidii dalka hoggaaminaysa inaan kala shaqeeyo wixii dalka maslaxad u ah diyaar baan u ahay habeen iyo maalinba, laakiin aniga siyaasaddi intaa ha iigu eekaato.”

Ugu dambayntii Adna Aadan Ismaaciil waxay fariin dheer u dirtay siyaasiyiinta iyo xisbiyada ku loolamaya tallada dalka, iyada oo ku boorisay inay dalka iyo dadkaba u damqadaan waxaanay tidhi:

“Dalku waxa uu u baahan yahay isu tanaasul ee uma baahna in la isku xoog sheegto, iyo wax aan waxba ahayn oo wada hadal lagu dhamayn karo ay rag waa weyni ku murmaan, runtii dalkana taasi ma qabato waxa iga tallo ah in la isku tanaasulo oo xal waara laga gaadho hadba wixii muran ah ee jira.”

Waa markii koowaad ee Adna ay ka waranto taariikhda siyaasiga ee ay soo martay, go’aanka in aanay dib ugu laabanayn siyaasadduna waa go’aanka ay qaadatay ee muddooyinkii dambe ay ku hawlanayd arrimaha hor-u-marinta dhallaanka iyo hooyooyinka.

bandhige@gmail.com