20 sanno oo ay jabhadaynaysay waxay ku noolayd kaynta, kumay seexan sariir, internet iyo moobayl may isticmaalin

 

Waxa maanta  indhaha warbaahinta caalamka soo jiidatay qisada Yurluey Mendoza oo 20 sanno ka tirsanayd jabhadda mayalka adag ee FARC oo muddo dheer ka dagaalamaysay dalka Kolombiya. Toddobaadkii ina soo dhaafay ayaa jabhaddu shirweynahoodii ugu dambeeyey qabsadeen, waxaanay ka shawrayeen waxa ayka yeelayaan heshiiska nabada ee ay isla qorsheeyeen xukuumadda Kolombiya kadib markii ay dagaalamayeen 52 sannadood.

Yurluey waxay ka mid tahay kumanaanka jabhaddaas ka tirsan ee kaymaha iyo buuraha kolombiya wareegayey isla markaana seexanayey goobaha qorfaha ah hadba halkii uu gabbalku ugu dhaco. Haatan waxay rajaynayaa in ay ku soo biirto nolosha casriga ah, waa haddii heshiiskaasi meel maro’e.

Yurluey oo saxaafadda u warrantay waxay sheegtay in aanay weligeed ku seexan sariir dabacsan, weligeed aanay filin daawan, weligeed aanay arag badweyn, weligeed aanay isticmaalin internet iyo telefoonka gacanta isla markaana aanay weligeed baskiil kaxaysan.

Yurluey hadda waa 39 jir, waxay jabhadda ku biirtay iyadoo 14 jir ah, muddadaa intaas leegna waxay ahayd dagaalyahan aan ka nasan hawlaha jabhadaynta.

“Maalmaha qaar waxa i soo maray gaajo darteed aan socon kari waayey, maalmaha qaarna waxan ka dul tallaabsaday maydka kooxdii aanu isku jabhadda ahayn oo hortayda ku dhintay kuwaas oo aan u jeclaa sida qoyskayga oo kale” ayay tidhi Yurluey.

Sida ay qortay Jariirrada Washington Post, Yurluey waxay ka tirsanayd kooxda ku-dhufoo-ka-dhaqaaq oo lagu eedeeyo in ay xadgudubyadii ugu xumaa ka gaysteen dalka Kolombiya.

Weriye Nick Miroff oo ay u waramaysay ayay u dhiibtay qorigeedii oo qoyanaa saliiddii lagu sifeeyeyna ka da’aysay. Isaguna wuxu u dhiibay Iphone 6. Wuxu ku yidhi mar waa telefoon, mar waa kamarad, marna waa jiheeye oo wuxu leeyahay “compus”. Inta ay yaabtay ayay tidhi “Alla maxaa wax cusub i sugaya in aan barto marka aan noloshan cusub ku biiro.”

Wariye Nick Miroff wuxu weydiiyey “Miyaad guursan doontaa?”

Yurluey waxay ku jawaabtay “Maya…maya… ma doonayo in aan hooyo noqdo oo carruuri iga lulato. Waxan qaban doonaa oo kaliya waxa ay madaxdayda jabhaddu i yidhaahdaan qabo marka aanu nabadda qaadano. Haddii laga tagi waayo waxan daneeyaa in aan waxbarashadii dib u eego iyo in aan safarro socdaal ah meelo badan ku kala bixiyo.”

Yurluey waxay sheegtay in ay qoriga dhigayso haddii ay hesho wixii ay u dagaalamaysay taas oo ahayd in iyada iyo deegaanka ay ka soo jeedaa ay helaan xorriyad, waxbarasho, caafimaad iyo wax kasta oo aadamuhu u baahan yahay.

Mar uu weriyuhu weydiiyey wixii ku kaliftay in ay jabhadda ku biirto waxay tidhi:

“Waa arrin xanuun badan. Annaga oo habeen aniga iyo aabay joogna goob laga cawaynayo ayaa lagu dhuftay hees macaan oo qaybo ka mid ah lagu xusayo halgamaagii aasaasay FARC Md. Manuel Marulanda. Booliskii oo ordaya ayaa yimid oo joojiyey heestii. Kadibna waxay weydiiyeen dadkii heestan yaa sameeyey. Wax farta lagu fiiqay aabahay. Kadibna inta ay si xun hortayda ugu garaaceen ayay xabsiga dhigeen. Hooyaday oo uur sagaal bilood ah leh ayaan u tagay una sheegay, waxay igu tidhi adigu caawi aniga xaalkayga waad aragtaaye. Waxan ahaa 8 jir, waxan arkay aabahay oo ku xidhan qol sarajoog mooyee aan fadhi lahayn. Muddo dheer ayuu taagnaa iyadoo aanay jirin sabab loo ciqaabaa. Maalintaas ayaan go’aansaday in aan u baahanahay in aan noqdo qof xoog badan oo aanan dib u ahaan qof dhibane ah oo lagu joogsado” ayay tidhi Yurluey.

Il-wareed: Washington Post

BANDHIGE NEWS