Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey wakhtiga wacyi-gelinta diwaan-gelinta cod-bixiyuhu bilaabmayso

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shir-saxaafadeed ay ku qabteen xafiiskooda Hargeysa ku sheegay ina wacyi-gelintu diwaan-gelinta cod-bixiyuha bilaabmayso 21ka bisha Juulay 2015 kana bilaabmayso gobolka Togdheer oo ay maanta safar ugu baxeen.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Cabdiqaadir Axmed Iimaan ayaa sheegay in Gudidda Komishanku Doorashooyinka Qaran ay madaxweynaha u gudbiyeen 9kii bishii Abril sannadkan barnaamijkii diwaan-gelinta cod-bixiyaha oo shardi u ah inay dalka ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ahi sida uu tilmaamayo xeerka diwaan-gelinta cod-bixiyaha.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Cabdiqaadir Axmed Iimaan oo ka hadlayey wakhtiga komishanka doorashooyinku soo jeediyeen inay doorashooyinka madaxtooyadda iyo baarlamaanka dhacaan iyo wakhtiga Golaha Guurtidu soo jeediyeen waxa uu yidhi:

“Waxa aynu wada ogsoon nahay in Komishanka Doorashooyinka soo saareen wakhtiga doorashooyinka madaxtooyadda iyo baarlamaanku farsamo ahaan dhici doonaan oo ay  u qorsheeyeen 1da bisha Juun 2016. Haddaba waxa aynu wada ogsoon nahay in 11kii May 2015ka uu Golaha Guurtidu soo saarey go’aanka ay ku laaleen soo jeedin Komishanka Doorashooyinka, waxaanay muddo kordhin u sameeyeen madaxweynaha iyo madaxweyne-xigeenka iyadoo wakhtiga doorahsada madaxtooyadda iyo baarlamaankana ka dhigeen Abril 2017.”

Guddoomiyuhu isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu shaaciyey wakhtiga wacyi-gelinta diwaan-gelintu bilaabmayso iyo diwaan-gelinta cod-bixiyahaa ay bilaabmi doonto waxaanu yidhi:

“Waxa kale oo aynu og nahay  oo ka danbaysay gogoshii madaxweynuhu u fidiyey saddexda xisbi qaran, sidaas daraadeed, isagoo Gudidda Komishanka Doorashooyinka qadarina geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland, nabad-galyadeed, hanaanka doorashooyinka iyo diwaan-gelinta cod-bixiyaha waxaanu go’aansanay in khilaafka siyaasiga ee ku salaysan doorashooyinka aanu khal-khal gelin, dib u dhacna aanu ku samaynin qabashadda diwaan-gelinta cod-bixiyaha oo aanu ugu talo galnay ina bilaabanto dhammaadka bishan aynu ku jirno.”

Dhanka kale Waxa shir-saxaafadeedkan ka hadashay Kaltuun Sheekh Cabdi Madar oo sharaxaad ka bixisay shuruudaha looga baahan yahay qofka muwaadinka marka uu is diwaan-gelinayo waxaanay tidhi:

“Waxaanu doonaynaa in aanu halkan ugu faa’iidaysano  oo aanu ummadda u sheego faa’iidadda ay diwaan-gelinta leedahay iyo qaabka ay u dhici doonto. Diwaan-gelinta waxay u muhiim u tahay in ay dadku fahmaan ujeedada diwaan-gelinta cod-bixiyayaashu leedahay, si loo suurto geliyo diwaan-gelinta cod-bixiyaha waxay komishanka doorashooyinku wuxuu diyaariyey barnaamijyo qayb ka ah geedi socodka diwaan-gelinta cod-bixiyaha oo loogu talo galay in bulshada lagu baro, lagun wacyi geliyo, waxa kale oo aan bulshada ugu baaqayaa inay isku diyaarisaan diwaan-gelinta cod-bixiyaha oo dhawaan bilaabi doonta. “

Gebo gebadii shir-saxaafadeedkan ayey Guddiga Doorashooyinka qaranku sheegay inay maanta u ambabaxeen gobolka Togdheer oo wacyi-gelinta diwaan-gelintu ka bilaabmayso 21ka Julaay.

bandhige@gmail.com