War-saxaafadeed ka soo baxay Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa waxa lagu shaaciyey muddada ay bilaabayaan qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha Gobollada Awdal, Saaxil iyo goobaha xeebaha gobolka Sanaag oo la filayo in ay hal si talan-taaliya ah u bilaabmaan.
War-saxaafadeedkaasi oo dhammaystirani waxa uu dhignaa sida tan:
War-saxaafadeed
Mudanayaal iyo Marwooyin
Koomishanka Doorashooyinka Qaranku (KDQ) wuxu jecel yahay in uu dhammaan bulshada Somaliland la socodsiiyo halka ay marayaan shaqada diyaar garowga kaadh qaybinta codbixiyayaashu. Sidaad la socotan 28th March 2017 KDQ wuxu daabacay jadwalka kaadh qaybinta Gobolada Somaliland iyo bilowga kaadh qaybinta ee labada gobol ee ugu horeeyay, laga so bilaabo maalintaas KDQ wuxu fulinayay jadwalkiisa shaqo oo ah mid sidii loogu talo galay u socda.
Shaqada kaadh qaybintu waa arrin sharciya oo ay sheegayan qodobada 11 iyo 39 ee xeerka diiwaangelinta muwaadiininta iyo codbixiyayaashu Xeer Lr 37/2007, waana shaqo aad muhiim u ah si loo hubiyo in muwaadin kasta oo in uu codkiisa bixiyo isku diiwaangeliyey uu helo wakhti uu ku sixi karo maclumaadkiisa, sida Magacyadiisa, goobta codbixinta iwm. Isla markaan muwaadin kasta uu si sax ah maalinta doorashada codkiisa u dhiiban karo, intaas kadibna qof kasta qaato kaadhkiisa codbixinta mudad ay socoto soo bandhigida liistooyinka iyo qaadashada kaadhadhka codbixintu.
KDQ waxa u qabsoomay arimo door ah oo ay kamid yihiin;-
- KDQ wuxu kulamo kala duwan la yeeshay Jaamacadaha Camuud Borama, Jaamacada Culuumta Bada iyo Kaluumaysiga iyo Jaamacada Golis ee Berbera, KDQ isaga oo kashanaaya Jamacadahaasi wuxu dhamaystiray shaqaalaynta ardayda ka hawlgeli doonta kaadh qaybinta Gobolada Awdal iyo Saaxil
- Todobaadkan KDQ wuxu heshiisyo wadashaqayn ah la galay in ka badan 13 Jara’id, 14 TV, iyo hal Idaacad (Radio Hargeysa) si ay fariimaha KDQ ee kaadh qaybinta iyo soo bandhigida liistoyinka hordhaca ah ugu gudbiyana bulshada isla markaana uga haqabtiraan dhamaan fariimaha muhiimka u ah shaqada KDQ. Laga so bilaaabo 1stApril 2017 dhammaan bulsho weynta Somaliland waxay helayeen fariimaha KDQ oo ka baxaya dhammaan noocyada kala duwan ee warbaahinta iyo baraha warbaahinta KDQ. Sida oo kale dhawaan waxa KDQ iyo Hayadaha iyo Ururada aan dawliga ahayan ee la shaqeeya bilaabi doonan wacyigelin aad u qoto dheer oo gaadhi doonta goobkasta oo diiwaangelineed, si dhammaan muwaadiniinta isdiiwaangeliyay u qaatan kaadhka codbixinta
- Maanta KDQ wuxu kala diraya 8 Kooxod oo soo qiimayn doona in ka badan 150 Gobood oo ay ka dhici doonta kaadh qaybinta codbixiyayaashu, shaqadan oo socon doonta inta u dhaxaysa 12thApril 2017 – 18th April 2017. mudada ay shaqada ku guda jiraan koxahani waxay bulshada ku wacyegelin doonan bilowga kaadh qaybinta.
- KDQ wuxu kulama isdaba jog ah la yeeshay Xukuumada Somaliland, Xisbiyada Qaranka iyo Daneeyayaasha arrimaha Doorashooyinka Somaliland si layskaga waraysto habsami u socodka shaqada KDQ gaar ahaan kaadh qaybinta, KDQ wuxu joogtayn doona la shaqaynta daneeyayaasha kala duwan ee arrimaha Doorashooyinka Qaranka.
Jadwalka Kaadhqaybinta Gobolada Awdal iyo Saaxil
S/No | Shaqada | Mudada(Maalmo) | Bilowga | Dhammaadka | Goobaha |
1 | Soo bandhigida liistoyinka iyo qaybinta kaadhadhka codbixinta Goobaha miyiga ah | 5 | 29th April 2017 | 3rd May 2017 | Dhamaan Gobaha Miyiga Awdal, Saaxil iyo Xeebaha Sanaag |
2 | Soo bandhigida Liistoyinka iyo qaybinta kaadhadhka codbixinta gobaha magaloyinka | 7 | 29th April 2017 | 5th May 2017 | Dhamaan Gobaha Casimadaha Gobolka – (Magalooyinka Berbera and Borama ) |
3 | Mudada dheeriga ah ee Degmoyinka | 14 | 6th May 2017 | 19th May 2017 | Xafiisyada Degmooyinka oo kaliya = Saylac, Lughaya, Baki and Sheekh |
4 | Mudada dheeriga ah ee Casimadaha Gobolada | 14 | 8th May 2017 | 21st May 2017 | Gobo kooban oo ah Casimadaha Gobolada (Berbera iyo Borama) |
Waxaanu aad u jecel nahay in aan dhammaan muwaadiniinta isdiwaangeliyay gaar ahaan Gobolada Awdal iyo Saaxil iyo xeebaha Sanaag ugu baaqno in ay qaatan kaadhadhkooda codbixinta muddad ay socoto kaadh qaybintu, kana fogadaan dhammaan ficilada sharciga baal marsan.
Waxaanu sii wadi doona in aanu bulshada kolba ku wargelino halka shaqada KDQ maraysi todobaadkiiba hal mar.
ALLA MAHAD LEH.
bandhige@gmail.com