Xukuumadda Koonfur Afrika ayaa si adag u dhalliishay go’aanka uu Midowga Afrika uu Jimcihii ku oggollaaday in Israa’iil ay xubin goobjoogenimo ah ka hesho Midowga Afrika.
Israa’iil ayaa darajadan ku guulaysatay kadib markii ay muddo labaatan sanno ah wadday dedaal diblomaasiyadeed oo ay ku xodxodanayso Midowga Afrika.
Koonfur Afrika ayaa sheegay in go’aanka Midowga Afrika gaadhay aan lagala tashan xubnaha Midowga Afrika. Waxayna ku tilmaantay go’aan aan caddaalad ku dhisnayn.
Israa’iil waxay xubin goobjoogenimo ku lahaan jirtay Ururkii Midowga Afrika ee la odhan jiray OAU, hase ahaateen tan iyo intii ururkaas la kala diray ee la sameeyey Midowga Africa (AU) sannadkii 2002 waa loo diiday lagana hor taagnaa in ay xubin goobjoogenimo ah hesho.
“Waa wax aad looga xumaado in go’aankan lagu soo beego sannad ay Israa’iil gabood fallo daran ka gaysatay marinka Qasa, halkaas oo ay bambooyin ku garaacaysay 11 maalmood iyada oo aan loo kala aabo yeelayn” ayaa lagu yidhi warqad ka soo baxday xukuumadda Koonfur Afrika.
Sannadkii 1995kii ayaa dalka Koonfur Afrika ay xidhiidh rasmi ah la samaysay Falastiiniyiinta, waa hal sanno kadib markii la afjaray midab-kala-soocii waddankaas ka jiray. Sannadkii 1999 Koonfur Afrika waxay hoos u dhigtay safaaraddeedii ay ku lahayd Talaabiib waxayna ku soo koobtay xafiis hawl fududayneed.
Falastiiniyiinta ayaa iyagu hore Midowga Afrika ugu lahaan jiray xubin goobjooge nimo, warsaxaafadeedyada ka soo baxay Midowga Afrikana inta badan waxa lagu qoraa luuqad u janjeedha dhinaca Falastiin.
Koonfur Afrika waxay warsaxaafadeedkeeda ku tidhi suuragal maaha in Koonfur Afrika ay hesho xubin goobjoogenimo ilaa ay diyaar u noqonayso in ay wada-xaajood nabadeed la bilawdo Falastiiniyiinta.
Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah