Koonfurta Hargeysa oo si weyn looga taageeray murashaxnimada Muuse Biixi

Xubnaha Golaha Dhexe ugu jira beesha Koonfur-Bari Hargeysa, odayaal, madax-dhaqameedyo iyo dad kale oo saamayn leh ayaa munaasibad weyn oo ay Hargeysa shalay ku qabteen ku taageeray marashaxnimada Muuse Biixi Cabdi.

Munaasibaddaas waxa hadallo ka jeediyey Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye Jaamac-Shabeel, Wasiiru-Dawlaha Maaliyadda Cismaan Saxardiid “Caddaani”, Maxamed Aadan Qabo oo ka mid ah Golaha dhexe, Guddoomiye-Xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo marti-sharaf tiro badan.

Odayaasha dhaqanka beeshan ayaa sheegay in aanay cod kala hagran doonin wiilka ay abtiga u yihiin (Muuse Biixi) marka ay timaad doorashada Golaha Dhexe ee Kulmiye ku kala saarayo murashaxiinta Kulmiye. Farriimaha ay gudbiyeena waxa ka mid ahaa.

“Suldaanka Guud wax ma doorto, xubnaha golaha dhexe ugu jira beesha ayaa doorta. Iyaguna Muuse ayay dooranayaan”

Maxamed Aadan Qabo oo ah La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dimuqraadiyadda kana soo jeeda deegaanka Koonfur-Galbeed Hargeysa ayaa sheegay in ay iyaguna qabanayaan munaasibad tan oo kale ah, haatana ay gacanta ku hayaan 28 xubnood oo ka mid ah 40-ka ay beeshiisu ku leedahay Golaha Dhexe ee Kulmiye isla markaana ay intii kale ku daba jiraan.

Maxamed Kaahin Axmed ayaa isaguna madasha ka bannaay, wuxuna sheegay in la taagan yahay xiligii Janaraallada loo baahnaa laakiin aan loo baahnayn karraaniyiin waraaqo loo dirdirsan jiray (taas oo dad badani u fasirteen in uu ula jeedo Maxamed Biixi.)

Ugu dambayn waxa meesha ka hadlay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi. Hadalladiisiina waxa ka mid ahaa:

“Haddii si loo eego saddex nin oo ilma-adeer ah ayaa tartamaya, anigu waxa aan dheerahay waa abtiyaashay”

Guddoomiye Muuse wuxu sheegay in uu ku dhaqmi doono xeerka Xisbiga isla markaana haddii ay Golaha Dhexe ee Kulmiye u codeeyaan iyo haddii ay ka codeeyaan uu labadaba aqbali doono.

“Xisbiga Kulmiye wuxu ka soo jeedaa taariikh hore oo halgan waana mid loo baahan yahay in uu 100 sanno oo dambe sii jiro. Maaha xisbi uu nin u soo doonto kursi” ayuu sii raaciyey Muuse

Munaasibaddani waxay ka mid ahayd munaasibado xidhiidh ah oo deegaanada iyo beelaha Somaliland ay ku taageerayaan murashaxnimada Muuse Biixi Cabdi iyadoo dhawaan la filayo munaasibad weyn oo reer Awdal ku soo bandhigayaan taageerada ay u qabaan Muuse Biixi.

Hoos ka daawo muuqaalka Star TV ee munaasibaddan.