Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ayaa maanta kormeer kadis ah ku tagay Xafiiska Imtixaanaadka qaran ee JSL.

Koormeerka Agaasimaha Guud Ee Xafiiska Imtixaanadka Qaranka JSL.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Naakhuude) ayaa maanta kormeer kadis ah ku tagay Xafiiska Imtixaanaadka qaran ee JSL, iyaga oo halkaasi ay hawlohooda shaqo ku gudo jiraan masuulliyiinta Xafiiska imtixanaadku.
Ujeeda koormerka ayaa daaranay xog-ogaal u noqoshadda sixida imtixaanaadka qaranka ee Fasalada 8-Aad iyo 4-Aad ee gabogabada ku dhow, loona dardargaliyo ku dhawaaqista natiijada ardayda ee kamadanbaysta ah.
Waxa warbixin kasiiyay Agaasimaha guud WW&S JSL, masuuliyiinta xafiiska imtixaanadka qaranka oo uu horeeyo gudoomiyaha xafiiska imtixanadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax, Gudoomiye ku-xigeenka Xasan Muxumed Qalinle iyo Masuulyinta kale eek a hawl gala xafiiska.
Gabogabadii waxa halka mahadnaq iyo bogaadin uga jeediyay Agaasima Guud ee WW&S masuuliyinta xafiiska imtixaanadka hawlaha shaqo ee ay ka muuqato masuulyada iyo hufnaantu. Waxaanu kula dardaarmay dardargalinta hawlaha shaqo ee hada yaal xafiiska oo ay ugu horeyso natiijada arday Dugsiyadda hoose-dhexe iyo sare si ardaydu ay usii wataan hayaankooda waxbarasho.
Ugu danbayn Agaasimaha ayaa halkaasi uga digay dugsiyadda sare iyo jaamacaduhu in ay sameeyan diiwaangalin ka horaysa natiijadda imtixanadka Qaranka Jsl oo aan mustaqbalka arday muran la galin isbedelka xiliyadda ardayga iyadda oo laga raadinayo fursado dhaqaale.